Ishacyaah 59:5-18 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

5. Waxay dillaaciyaan jilbis ukuntiis, oo waxay sameeyaan xuub caaro. Kii ukuntooda cunaaba wuu dhintaa, oo tii jabtaba jilbis baa ka soo baxa.

6. Xuubabkoodu dhar uma ay noqon doonaan, oo shuqulladoodana innaba iskuma qarin doonaan. Shuqulladoodu waa shuqullo xumaaneed, oo falinta dulmiguna gacmahooday ku jirtaa.

7. Cagahoodu shar bay u ordaan, oo waxay u degdegaan inay dhiig aan xaq qabin daadiyaan. Fikirradoodu waa fikirro xumaaneed, baabba' iyo halligaad ayaa jidadkooda dhex yaal.

8. Jidka nabadda ma yaqaaniin, oo socodkoodana caddaalad laguma arko. Waxay samaysteen dhabbayaal qalqalloocan, oo ku alla kii maraaba nabad ma uu yaqaan.

9. Sidaas daraaddeed caddaaladu way inaga fog tahay, oo xaqnimana innaba ina soo gaadhi mayso. Waxaynu sugnaa nuur, laakiinse waxaynu aragnaa gudcur, oo waxaynu sugnaa iftiin laakiinse madow baynu ku dhex soconnaa.

10. Sida kuwa indhaha la' ayaynu derbiga u haabhaabannaa, oo sida innagoo aan innaba indho lahayn ayaynu wax u haabhaabannaa. Sida fiid oo kale ayaynu hadh cad u turunturoonnaa, oo waxaynu nahay sida dad dhintay oo kuwa barwaaqaysan ku dhex jira.

11. Kulligeen sida orsooyin oo kale ayaynu u cabaadnaa, oo sida qoolleyo oo kale ayaynu u baroorannaa. Waxaynu sugnaa caddaalad, laakiinse lama arko, oo waxaynu sugnaa badbaado, laakiinse way inaga fog tahay.

12. Waayo, Rabbiyow, xadgudubyadayadii hortaaday ku bateen, oo waxaa nagu marag fura dembiyadayada, waayo, xadgudubyadayadu way nala jiraan, oo xumaatooyinkayagana waannu og nahay.

13. Waynu xadgudubnay oo Rabbiga been ka sheegnay oo Ilaaheen ka leexannay, innagoo dulmi iyo fallaago ku hadlayna oo erayo been ah uuraysanayna oo qalbiga kaga hadlayna.

14. Caddaaladdii dib bay u noqotay, oo xaqnimaduna meel fog bay taagan tahay, waayo, runtii jidkay ku dhex dhacday, oo qummanaantuna sooma geli karto.

15. Hubaal runta waa la waayayaa, oo ku alla kii sharka ka tagaaba wuxuu iska dhigaa wax la boobo, oo Rabbiguna taas wuu arkay, shar bayna u ahayd inaan caddaalad la arag.

16. Wuxuuna arkay inaan ninna la arag, oo inaan dhexdhexaadiye la arag wuu ka yaabay, sidaas daraaddeed gacantiisa ayaa isaga badbaado u keentay, oo xaqnimadiisii ayaa tiirisay.

17. Sida laabdhawr oo kale ayuu xaqnimo u soo xidhay, oo madaxana wuxuu saartay koofiyad badbaado ah, oo wuxuu dhar ahaan u guntaday aarsasho, oo qiiro kulul ayuu soo huwaday.

18. Siday falimahoodu istaahilaan ayuu nacabyadiisa cadho ugu abaalmarin doonaa, oo cadaawayaashiisana wuu u abaalgudi doonaa, oo gasiiradahana abaalgud buu siin doonaa.

Ishacyaah 59