Samuu'eel Kowaad 28:1-12 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

1. Oo wakhtigaas reer Falastiin ciidammadoodii oo dhan dagaal bay u soo urursadeen inay reer binu Israa'iil la diriraan. Aakiishna wuxuu Daa'uud ku yidhi, Ogow inaad adiga iyo raggaaguba dagaalka ii raacaysaan.

2. Oo Daa'uudna wuxuu Aakiish ku yidhi, Hubaal waad ogaan doontaa waxa anoo addoonkaaga ah aan samayn doono. Oo Aakiishna wuxuu Daa'uud ku yidhi, Taas aawadeed mid madaxayga weligii ilaaliya ayaan kaa dhigayaa.

3. Oo Samuu'eelna mar hore wuu dhintay, oo reer binu Israa'iil oo dhammuna way u baroorteen, waxayna ku aaseen Raamaah taasoo ahayd magaaladiisii. Saa'uulna wuu wada eryay kuwii ruuxaanta lahaa iyo saaxiriintii oo dhan, oo dalka wuu ka wada saaray.

4. Oo reer Falastiinna way isa soo wada urursadeen, oo Shuuneem soo degeen; Saa'uulna wuxuu soo wada urursaday reer binu Israa'iil oo dhan, oo iyana waxay soo degeen Gilboca.

5. Saa'uulna markuu ciidankii reer Falastiin arkay ayuu baqay, aad buuna u gariiray.

6. Oo Saa'uulna markuu Rabbiga wax weyddiiyey, Rabbigu uma uu jawaabin, oo riyooyin iyo Uuriim iyo nebiyo midnaba uguma uu jawaabin.

7. Markaasaa Saa'uul wuxuu addoommadiisii ku yidhi, War ii doona naag ruuxaan leh, aan u tago oo wax weyddiiyee. Markaasaa addoommadiisii waxay ku yidhaahdeen, Naag ruuxaan leh baa Ceyn Door joogta.

8. Kolkaasaa Saa'uul si kale iska dhigay, dhar kalena wuu qaatay, wuuna tegey, isagoo laba nin la socda, oo waxay naagtii u yimaadeen goor habeennimo ah. Markaasuu ku yidhi, Waan ku baryayaaye, ruuxaanta iila hadal, oo ii soo kici ku alla kii aan kuu magacaabo.

9. Naagtiina waxay ku tidhi, Bal eeg, waad og tahay Saa'uul wuxuu sameeyey, iyo siduu dalka uga saaray kuwii ruuxaanta lahaa, iyo saaxiriintii oo dhanba. Haddaba bal maxaad dabin iigu dhigaysaa si aan u dhinto?

10. Markaasaa Saa'uul Rabbiga ugu dhaartay, oo ku yidhi, Rabbiga noloshiisaan ku dhaartaye inaan waxan innaba lagugu ciqaabayn.

11. Dabadeedna naagtii waxay tidhi, Haddaba yaan kuu soo kiciyaa? Wuxuu isna ku yidhi, Samuu'eel ii soo kici.

12. Oo naagtii markay Samuu'eel aragtay ayay cod weyn ku qaylisay, oo Saa'uul la hadashay oo tidhi, War maxaad ii khiyaanaysay? Waayo, Saa'uul baad tahay.

Samuu'eel Kowaad 28