1. Markaasaa waxaa dhintay Samuu'eel, reer binu Israa'iil oo dhammuna way isu soo wada urureen oo u baroorteen, oo waxay isagii ku dhex aaseen gurigiisii Raamaah ku yiil. Daa'uudna wuu kacay oo ku dhaadhacay cidladii Faaraan.
2. Oo waxaa jiray nin reer Maacoon ahaa oo ay xoolihiisu Karmel joogeen, oo ninkaasuna aad buu u weynaa, oo wuxuu lahaa saddex kun oo ido ah iyo kun riyo ah, oo isna idihiisii ayuu Karmel ku xiirayay.
3. Haddaba ninkaas magiciisu wuxuu ahaa Naabaal, naagtiisa magaceeduna Abiigayil, oo naagtuna waxay ahayd mid caqli wanaagsan, aadna u suurad qurxoon, laakiinse ninku wuxuu ahaa nin qallafsan oo shar sameeya; oo wuxuuna ahaa reer Kaaleeb.
4. Oo Daa'uud oo cidlada joogay ayaa maqlay in Naabaal idihiisii xiirayo.
5. Daa'uudna toban nin oo dhallinyaro ah ayuu diray, oo Daa'uud wuxuu raggii dhallinyarada ahaa ku yidhi, Orda oo Naabaal ugu taga Karmel, oo magacayga ku salaama;
6. oo waxaad kaas barwaaqaysan ku tidhaahdaan, Nabadu ha kuu ahaato, reerkaagana nabadu ha u ahaato, oo waxaad haysatid oo dhanna nabadu ha u ahaato.
7. Oo haatan waxaan maqlay inaad haysatid kuwo ido xiira; adhijirradaadiina way nala joogayeen, oo annana waxba ma aannu yeelin, oo innaba wax kama dhinnayn intii ay Karmel joogeen oo dhan.
8. Oo taas bal raggaaga dhallinyarada ah weyddii, oo way kuu sheegi doonaan. Taas aawadeed ragga dhallinyarada ah raalli ka ahow, waayo, maalin wanaagsan baannu kuu nimid, haddaba waan ku baryayaaye wax alla wixii gacantaada ku jira soo sii addoommadaada iyo anoo ah inankaaga Daa'uud.
9. Oo markay Daa'uud raggiisii dhallinyarada ahaa yimaadeen ayay erayadan oo dhan Naabaal kula hadleen iyagoo magaca Daa'uud ku hadlaya, dabadeedna way aamuseen.
10. Markaasaa Naabaal ugu jawaabay Daa'uud addoommadiisii, Waa ayo Daa'uud? Wiilka Yesayse waa kuma? Maalmahan waxaa jira addoommo badan oo nin kastaa ku caasiyooba sayidkiisa.
11. Haddaba miyaan qaadaa kibistayda, iyo biyahayga, iyo hilibkayga aan u qalay kuwa idaha ii xiiraya, oo miyaan siiyaa niman aanan aqoon meel ay ka yimaadeen?
12. Sidaas daraaddeed Daa'uud raggiisii dhallinyarada ahaa way jeesteen oo dib bay u noqdeen, oo intay Daa'uud u yimaadeen ayay erayadan oo dhan u sheegeen.
13. Markaasaa Daa'uud wuxuu raggiisii ku yidhi, Nin walowba seeftaada xidho. Oo nin waluba seeftiisii buu xidhay, oo Daa'uudna seeftiisii buu xidhay. Kolkaasaa waxaa Daa'uud raacay in ku dhow afar boqol oo nin; oo laba boqolna alaabtii bay la joogeen.