Samuu'eel Kowaad 14:24-42 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

24. Oo maalintaas dadka reer binu Israa'iil way dhibaataysnaayeen; laakiinse Saa'uul baa dadkii dhaariyey oo ku yidhi, Ilaa ay fiidkii noqoto, oo aan cadaawayaashayda ka aarsado ninkii wax cuna inkaaru ha ku dhacdo. Haddaba dadkii cunto ma dhadhamin innaba.

25. Oo dadkii oo dhammu waxay soo galeen duurkii, dhulkana waxaa yiil malab.

26. Oo markii dadkii soo galay duurkii ayaa malabkii soo dareeray, laakiinse ninna gacanta afka ma saarin, waayo, dadku waxay ka cabsadeen dhaartii.

27. Laakiinse Yoonaataan ma uu maqlin markii aabbihiis dadka dhaarta ku amray, sidaas aawadeed wuxuu soo fidiyey ushii gacanta ugu jirtay caaraddeedii, oo wuxuu daray malabkii, markaasuu gacantii afka saaray; oo indhihiisiina aad bay u iftiimeen.

28. Markaasaa dadkii mid ka mid ahu u jawaabay, oo ku yidhi, Aabbahaa dadka dhaar buu aad ugu amray oo yidhi, Maanta ninkii wax cuna inkaaru ha ku dhacdo. Oo dadkiina way itaal darnaayeen.

29. Markaasaa Yoonaataan wuxuu yidhi, Aabbahay isagaa dalka dhibay, waan idin baryayaaye, bal eega sida indhahaygu u iftiimeen, maxaa yeelay, in yar baan ka dhadhamiyey malabkan.

30. Haddaba intee bay ka sii fiicnaan lahayd haddii dadku maanta ikhtiyaar wax uga cuni lahaayeen wixii ay cadaawayaashooda ka dhaceen ee ay heleen? Waayo, hadday sidaas ahaan lahayd reer Falastiin dhexdooda layn tan ka weyn baa ku dhici lahayd.

31. Oo maalintaas waxay reer Falastiin ku laayeen ilaa Mikmaash iyo tan iyo Ayaaloon; oo dadkuna aad bay u itaal darnaayeen.

32. Oo dadkiina wixii ay dhaceen ayay ku boodeen, oo waxay qaateen ido iyo dibi iyo weylo, oo dhulkay ku qasheen, markaasaa dadkii waxay cuneen hilibkii oo dhiig leh.

33. Dabadeedna waxaa loo sheegay Saa'uul, oo lagu yidhi, Bal eeg, dadku Rabbigay ku dembaabaan, markay cunaan hilib dhiig leh. Markaasuu wuxuu ku yidhi, Aad baad u xadgudubteen, haddaba maanta ii soo giringiriya dhagax weyn.

34. Markaasaa Saa'uul wuxuu yidhi, Dadka dhex gala, oo waxaad ku tidhaahdaan, Nin waluba halkan ha iigu keeno dibigiisa, nin walubana laxdiisa, oo halkan ku gowraca oo cuna; oo Rabbiga ha ku dembaabina intaad hilib dhiig leh cuntaan. Habeenkaas dadkii oo dhammu nin waluba wuxuu keenay dibigiisii, kolkaasay halkaas ku gowraceen.

35. Markaasaa Saa'uul wuxuu Rabbiga u dhisay meel allabari, oo taasuna waxay ahayd meeshii allabariga ee ugu horraysay uu Rabbiga u dhiso.

36. Saa'uulna wuxuu yidhi, Ina keena aynu reer Falastiin raacdaysannee oo habeennimo mirnee, oo tan iyo aroortii dhacnee, oo ninkoodna yeynan ka sii dayn. Oo iyana waxay ku yidhaahdeen, Wax alla wixii kula wanaagsan samee. Markaasaa wadaadkii wuxuu yidhi, Ina keena aynu Rabbiga u dhowaannee.

37. Markaasaa Saa'uul Ilaah talo weyddiistay, oo wuxuu yidhi, Miyaan reer Falastiin raacdaystaa? Oo ma doonaysaa inaad iyaga soo geliso gacanta reer binu Israa'iil? Laakiinse maalintaas Ilaah uma uu jawaabin.

38. Kolkaasaa Saa'uul wuxuu yidhi, Madaxda reer binu Israa'iil oo dhammay, soo dhowaada, oo maanta dembiganu wuxuu ku jiray bal soo ogaada oo soo eega.

39. Waayo, Rabbiga reer binu Israa'iil badbaadiya noloshiisaan ku dhaartaye, xataa hadduu ku jiray wiilkayga Yoonaataan, hubaal kaasu wuu dhiman doonaa. Laakiinse dadkii oo dhan laguma arag nin u jawaabay.

40. Markaasuu reer binu Israa'iil oo dhan ku yidhi, Idinku dhan joogsada, aniga iyo wiilkayga Yoonaataanna dhanka kale ayaannu joogsanaynaa. Dadkiina waxay Saa'uul ku yidhaahdeen, Wixii kula wanaagsan samee.

41. Sidaas daraaddeed Saa'uul wuxuu ku yidhi Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil, Saamiga runta ah na tus. Oo wuxuu saamigii ku dhacay Yoonaataan iyo Saa'uul, laakiinse dadkii way baxeen.

42. Markaasaa Saa'uul wuxuu yidhi, Noo saami rida aniga iyo wiilkayga Yoonaataan. Dabadeedna saamigii wuxuu ku dhacay Yoonaataan.

Samuu'eel Kowaad 14