12. Oo mid halkaas joogay ayaa isna yidhi, Oo aabbahoodna waa kuma? Sidaas daraaddeed taasu waxay noqotay maahmaah; Saa'uulna ma nebiyaduu ka mid yahay?
13. Oo markuu dhammeeyey waxsheegiddii ayuu yimid meeshii sare.
14. Markaasaa Saa'uul adeerkiis wuxuu ku yidhi isagii iyo midiidinkiisiiba, War xaggee baad tagteen? Markaasuu yidhi, Dameerihii baannu doonnay, oo markaannu ogaannay inaan la helin ayaannu Samuu'eel u nimid.
15. Markaasaa Saa'uul adeerkiis wuxuu ku yidhi, Waan ku baryayaaye, ii sheeg wixii Samuu'eel idinku yidhi.
16. Kolkaasaa Saa'uul wuxuu adeerkiis ku yidhi, Bayaan buu noogu sheegay in dameerihii la helay. Laakiinse xagga waxa boqortooyadii ku saabsan Samuu'eel ka hadlay uma uu sheegin.
17. Oo Samuu'eelna dadkii buu dhammaan isugu yeedhay xagga Rabbiga ilaa Misfaah;
18. oo wuxuu reer binu Israa'iil ku yidhi, Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil sidaasuu leeyahay, Reer binu Israa'iilow, anaa Masar idinka soo bixiyey oo anaa idinka soo samatabbixiyey gacantii Masriyiinta, iyo kulli boqortooyooyinkii idin dulmay gacantoodii oo dhan.
19. Laakiinse idinku maanta waad diiddeen Ilaahiinnii idinka badbaadshay belaayooyinkiinnii iyo dhibaatooyinkiinnii oo dhan, oo waxaad isagii ku tidhaahdeen, Maya, laakiinse boqor noo yeel. Haddaba Rabbiga hortiisa ku soo ururiya qabiilooyinkiinna, iyo kumanyaalkiinna.