Yexesqeel 36:23-38 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

23. Oo quduus baan ka dhigi doonaa magacayga weyn oo quruumaha nijaas laga dhex dhigay, oo aad idinku nijaas kaga dhigteen. Oo Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Quruumuhu waxay ogaan doonaan inaan anigu Rabbiga ahay markaan dhexdiinna quduus kaga noqdo iyagoo indhaha ku haya.

24. Waayo, quruumahaan idinka soo dhex bixin doonaa, oo waddammadana waan idinka soo ururin doonaa, oo waxaan idin geeyn doonaa dalkiinnii.

25. Oo markaasaan biyo nadiif ah idinku kor rushayn doonaa, oo idinna nadiif baad ahaan doontaan, oo waxaan idinka nadiifin doonaa wasakhdiinnii oo dhan iyo sanamyadiinnii oo dhanba.

26. Oo weliba waxaan idin siin doonaa qalbi cusub, oo ruux cusubna waan idin gelin doonaa; jidhkiinnana qalbigii dhagaxa ahaa baan ka dhex bixin doonaa, oo waxaan idin siin doonaa qalbi jiidh ah.

27. Oo Ruuxayga ayaan idin dhex gelin doonaa, oo waxaan ka dhigi doonaa inaad qaynuunnadayda ku socotaan, xukummadaydana waad xajin doontaan, waadna samayn doontaan.

28. Oo waxaad degganaan doontaan dalkii aan awowayaashiin siiyey, oo dadkaygii baad ahaan doontaan, aniguna Ilaahiinna baan ahaan doonaa.

29. Oo weliba wasakhnimadiinna oo dhan waan idinka badbaadin doonaa, oo waxaan idiinku yeedhi doonaa hadhuudh, waanan badin doonaa, oo abaarna idinkuma soo dejin doono.

30. Oo midhaha dhirtana iyo waxa beeraha ka baxaba, waan badin doonaa, si aydaan mar dambe cay abaareed quruumaha uga dhex helin.

31. Oo markaasaad jidadkiinnii xunxumaa iyo falimihiinnii aan wanaagsanayn soo xusuusan doontaan, oo xumaatooyinkiinna iyo waxyaalihiinna karaahiyada ah aawadood ayaad iskaraahsan doontaan.

32. Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Taas idinka aawadiin uma aan sameeyo, bal idinku taas ogaada, reer binu Israa'iilow, jidadkiinna xunxun aawadood isu ceebsada oo facsharma.

33. Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Maalinta aan idinka nadiifin doono xumaatooyinkiinna oo dhan waxaan ka dhigi doonaa in magaalooyinka la degganaado, oo meelihii burburayna waa la wada dhisi doonaa.

34. Oo dhulkii cidlada ahaan jirayna waa la beeran doonaa, kaasoo cidlada ku ahaan jiray wax alla wixii soo dhex maraba.

35. Oo waxaa la odhan doonaa, Dalkan cidlada ahaan jiray wuxuu noqday sidii beertii Ceeden oo kale, oo magaalooyinkii dumay oo burburay oo cidlada ahaa waa la deyray oo waa la dhex degay.

36. Oo markaasaa quruumaha hareerihiinna ku hadhay waxay ogaan doonaan in aniga Rabbiga ahu aan meelihii dumay dhisay, iyo inaan dhulkii cidlada ahaa beeray. Aniga Rabbiga ah ayaa saas ku hadlay oo waxaasna waan samayn doonaa.

37. Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Weliba reer binu Israa'iil waxaas bay i weyddiisan doonaan inaan iyaga u sameeyo, oo dad sidii adhi oo kale ah ayaan iyaga ku sii badin doonaa.

38. Sida adhiga quduuska ah oo kale, iyo sida adhiga Yeruusaalem dhex jooga wakhtiga iidaheeda ayaa magaalooyinkii dumay dad sidii adhi oo kale ah ugu wada buuxsami doonaan, oo waxay ogaan doonaan inaan anigu Rabbiga ahay.

Yexesqeel 36