Yeremyaah 48:3-15 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

3. Oo waxaa Xoronayim laga maqli doonaa oohin qayladeed, kharribaad iyo baabba' weyn aawadood.

4. Dalka Moo'aab waa la wada baabbi'iyey, oo dhallaankiisiina qaylo bay maqashiiyeen.

5. Waayo, jiirtii Luxiid waxaa lala fuuli doonaa oohin aan kala joogsanayn, waayo, dhaadhaca Xoronayim waxay ka maqleen tiiraanyadii oohinta baabbi'idda.

6. Carara, oo naftiinna badbaadiya, oo waxaad noqotaan sida geed xun oo cidlada ku yaal oo kale.

7. Waayo, waxaad isku hallaysay shuqulladaada iyo khasnadahaaga, oo sidaas daraaddeed adigana waa lagu qabsan doonaa, oo Kemooshna maxaabiis ahaan buu u bixi doonaa, isaga iyo wadaaddadiisa, iyo amiirradiisaba.

8. Oo baabbi'iyuhuna wuxuu ku soo duuli doonaa magaalo kasta, oo magaalona kama baxsan doonto. Oo weliba sidii Rabbigu yidhi, Dooxaduna way halligmi doontaa, oo bannaankuna wuu baabbi'i doonaa.

9. Dalka Moo'aab baalal siiya si uu u duulo oo uu u cararo. Magaalooyinkiisu waxay noqon doonaan cidla aan ciduna dhex degganayn.

10. Inkaaru ha ku dhacdo kii shuqulka Rabbiga si dayac ah u sameeya, oo inkaaru ha ku dhacdo kii seeftiisa dib uga celiya inay dhiig daadiso.

11. Dalka Moo'aab wuu iska istareexsanaa tan iyo yaraantiisii, oo sida khamri deggan ayuu iskaga dul fadhiyey gufarkiisii, oo weelna weel kale lagagama shubin, oo maxaabbiisahaanna marna looma kaxaysan, sidaas daraaddeed dhadhankiisii wuu ku sii hadhay isaga, oo udgoonkiisiina innaba ma beddelmin.

12. Sidaas daraaddeed Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal eega, waxaa iman doona wakhti aan isaga u soo diri doono kuwa wax shuba, isagayna shubayaan, oo weelashiisay madhinayaan, oo jalxadihiisana wada burburinayaan.

13. Sidii reer binu Israa'iil ay Beytel oo ay ku kalsoonaayeen ugu ceeboobeen, sidaas oo kale ayaa reer Moo'aabna Kemoosh ugu ceeboobi doonaa.

14. Idinku sidee baad u odhan kartaan, Annagu waxaannu nahay dagaalyahan iyo rag u xoog badan dagaalka?

15. Boqorka magiciisu yahay Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Dalka Moo'aab cidla buu noqday, oo magaalooyinkiisiina way baabbe'een, oo kuwa barbaarradiisii u wanaagsanaana waxay hoos ugu dhaadheceen in la gowraco.

Yeremyaah 48