22. Oo sidaas oo kalena kulli raggii reer binu Israa'iil oo mar hore ku dhuuntay dalka buuraha leh oo reer Efrayim, iyana markii ay maqleen in reer Falastiin carareen ayay soo raacdaysteen oo dagaalkii soo galeen.
23. Sidaasuu Rabbigu maalintaas u badbaadiyey reer binu Israa'iil; oo dagaalkiina wuxuu u sii gudbay xagga Beytaawen.
24. Oo maalintaas dadka reer binu Israa'iil way dhibaataysnaayeen; laakiinse Saa'uul baa dadkii dhaariyey oo ku yidhi, Ilaa ay fiidkii noqoto, oo aan cadaawayaashayda ka aarsado ninkii wax cuna inkaaru ha ku dhacdo. Haddaba dadkii cunto ma dhadhamin innaba.
25. Oo dadkii oo dhammu waxay soo galeen duurkii, dhulkana waxaa yiil malab.
26. Oo markii dadkii soo galay duurkii ayaa malabkii soo dareeray, laakiinse ninna gacanta afka ma saarin, waayo, dadku waxay ka cabsadeen dhaartii.
27. Laakiinse Yoonaataan ma uu maqlin markii aabbihiis dadka dhaarta ku amray, sidaas aawadeed wuxuu soo fidiyey ushii gacanta ugu jirtay caaraddeedii, oo wuxuu daray malabkii, markaasuu gacantii afka saaray; oo indhihiisiina aad bay u iftiimeen.
28. Markaasaa dadkii mid ka mid ahu u jawaabay, oo ku yidhi, Aabbahaa dadka dhaar buu aad ugu amray oo yidhi, Maanta ninkii wax cuna inkaaru ha ku dhacdo. Oo dadkiina way itaal darnaayeen.
29. Markaasaa Yoonaataan wuxuu yidhi, Aabbahay isagaa dalka dhibay, waan idin baryayaaye, bal eega sida indhahaygu u iftiimeen, maxaa yeelay, in yar baan ka dhadhamiyey malabkan.
30. Haddaba intee bay ka sii fiicnaan lahayd haddii dadku maanta ikhtiyaar wax uga cuni lahaayeen wixii ay cadaawayaashooda ka dhaceen ee ay heleen? Waayo, hadday sidaas ahaan lahayd reer Falastiin dhexdooda layn tan ka weyn baa ku dhici lahayd.