11. Waxaan idinku leeyahay, Qaar badan ayaa bari iyo galbeed ka iman doona oo la fadhiisan doona Ibraahim iyo Isxaaq iyo Yacquub boqortooyadii jannada gudaheeda,
12. laakiin wiilashii boqortooyada waxaa lagu tuuri doonaa gudcurka dibadda ah. Meeshaas waxaa jiri doonta baroor iyo ilkojirriqsi.
13. Markaasaa Ciise wuxuu boqol-u-taliyihii ku yidhi, Tag. Sidaad u ramaysatay ha kuu noqoto e. Oo saacaddaas ayaa midiidinkii bogsaday.
14. Ciise goortuu guriga Butros galay, wuxuu arkay Butros soddohdiis oo jiifta oo qandhaysan.
15. Markaasuu gacanteeda taabtay, qandhadiina waa ka baxday. Wayna kacday oo u adeegtay isaga.
16. Goortii makhribkii la gaadhay waxay u keeneen qaar badan oo jinniyo qaba. Eray ayuu jinniyadii ku saaray, kuwii bukay oo dhanna wuu bogsiiyey,
17. si ay u noqoto wixii nebi Isayos lagaga dhex hadlay isagoo leh, Isagaa qaatay bukaankeennii, cudurradeenniina wuu isku raray.
18. Goortuu Ciise dad badan oo ku wareegsan arkay, ayuu amray inay dhinaca kale tagaan.
19. Kolkaasaa culimmada midkood u yimid oo ku yidhi, Macallimow, waan ku raacayaa meeshaad tagtidba.
20. Ciise ayaa ku yidhi, Dawacooyinku godad bay leeyihiin, shimbirraha cirkuna buulal bay leeyihiin, laakiin Wiilka Aadanahu meel uu madaxiisa dhigo ma leh.
21. Mid kale oo xertiisa ah ayaa ku yidhi, Sayidow, horta ii oggolow inaan tago oo aabbahay soo aaso.
22. Laakiin Ciise ayaa ku yidhi, I soo raac; oo iska daa meydadku ha aaseen meydadkooda.
23. Goortuu doonnida fuulay, xertiisii ayaa raacday.
24. Oo waxaa badda ka kacay duufaan weyn, ilaa ay hirarku qariyeen doonnida, laakiin isagu waa hurday.
25. Markaasaa xertiisii u timid oo toosisay, iyagoo leh, Sayidow, na badbaadi, waannu lumaynaaye.
26. Kolkaasuu wuxuu ku yidhi, Maxaad u baqaysaan, rumaysadyarayaalow? Markaasuu kacay, oo canaantay dabaysha iyo badda, oo xawaal weyn baa dhacday.
27. Haddaba nimankii waa yaabeen, oo waxay isku yidhaahdeen, Waa nin caynkee ah kan xataa dabaysha iyo badduba yeelaan?
28. Goortuu yimid dhinaca kale oo dalka Gadareni, waxaa la kulmay laba qof oo jinni qaba oo xabaalaha ka soo baxaya, iyagoo aad khatar u ah, si aan ninna jidkaas u mari karin.