11. Bal eeg, waad maqashay wixii ay boqorrada Ashuur dalalka oo dhan ku sameeyeen, iyo sidii ay dhammaantood u wada baabbi'iyeen; haddaba adiga ma lagu samatabbixinayaa?
12. Quruumihii ay awowayaashay baabbi'iyeen ilaahyadoodii miyey samatabbixiyeen, kuwaasoo ahaa Goosaan, iyo Xaaraan, iyo Resef, iyo reer Ceeden oo Telasaar degganaa?
13. Oo bal meeye boqorkii Xamaad, iyo boqorkii Arfaad, iyo boqorkii magaalada Sefarwayiim, iyo kii Xeenac, iyo kii Ciwaah?
14. Markaasaa Xisqiyaah warqaddii ka qaatay gacantii wargeeyayaashii oo akhriyey, dabadeedna wuxuu tegey gurigii Rabbiga oo warqaddii ku kala bixiyey Rabbiga hortiisa.
15. Oo Xisqiyaah wuxuu ku baryootamay Rabbiga hortiisa oo yidhi, Rabbiyow, Ilaaha reer binu Israa'iilow, kan keruubiimta ku dul fadhiyow, waxaad tahay Ilaah, oo adiga keligaa ayaa ah Ilaaha boqortooyooyinka dunida oo dhan, oo cirka iyo dhulkana adigaa sameeyey.
16. Rabbiyow, dhegta u dhig oo maqal, oo Rabbiyow, indhahaaga fur oo arag; bal maqal Seenxeeriib erayadii uu u soo diray inuu Ilaaha nool ku caayo.
17. Rabbiyow, sida runta ah boqorrada Ashuur waxay baabbi'iyeen quruumihii iyo dalalkoodii,
18. oo ilaahyadoodiina dab bay ku dhex tuureen, waayo, iyagu ilaahyo ma ay ahayn, laakiinse waxay ahaayeen wax gacanta lagu sameeyey, oo ahaa qoryo iyo dhagaxyo, oo sidaas daraaddeed iyagu way baabbi'iyeen.
19. Haddaba sidaas daraaddeed Rabbiyow Ilaahayagow, waan ku baryayaaye gacantiisa naga badbaadi, in boqortooyooyinka dunida oo dhammu ay ogaadaan inaad adiga keliyahu tahay Rabbiga Ilaaha ah.
20. Markaasaa Ishacyaah ina Aamoos u soo cid diray Xisqiyaah, oo wuxuu ku yidhi, Rabbiga Ilaaha reer binu Israa'iil ahu wuxuu leeyahay, Seenxeeriib oo ah boqorka Ashuur waad iga bariday, taas aawadeed waan ku maqlay.
21. Oo kanu waa erayguu Rabbigu isaga kaga hadlay: Gabadha bikradda ah oo Siyoon Way ku fududaysatay, oo intay kugu qososhay ayay ku quudhsatay; Gabadhii Yeruusaalem madaxay kaa ruxatay.
22. Bal adigu kumaad yaraysatay oo aad cayday? Oo bal yaad codkaaga kor ugu qaadday Oo aad indhahaaga ku taagtay? Waa kan quduuska ah oo reer binu Israa'iil.
23. Wargeeyayaashaadii ayaad Sayidka ku cayday Oo waxaad tidhi, Gaadhifardoodkayga badan Ayaan ku soo fuulay buuraha meesha ugu dheer, Iyo meelaha ugu hooseeya ee Lubnaan gudaheeda; Oo waxaan jari doonaa geedaheeda dhaadheer oo kedarka ah, iyo geedaheeda la doortay oo berooshka ah, Oo waxaan geli doonaa meesha ugu fog hoygeeda, iyo kaynta berrinkeeda oo midhaha badan.
24. Anigu waxaan qoday oo cabbay biyo qalaad, Oo calaacalaha cagahayga baan ku wada qallajin doonaa Webiyaasha Masar oo dhan.