30. Waxyaalahaas waa lagugu samayn doonaa, maxaa yeelay, dhillanimo baad quruumaha la daba gashay, oo sanamyadooda waad ku nijaasowday.
31. Waxaad qaadday jidkii walaashaa, oo sidaas daraaddeed koobkeedii gacantaan kuu gelin doonaa.
32. Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Waxaad cabbi doontaa walaashaa koobkeedii dheeraa oo weynaa, oo fudaydsasho baa laguugu qosli doonaa oo waa lagu quudhsan doonaa, waayo, wuu buuxaa.
33. Aad baad u sakhraami doontaa oo murug baa kaa buuxsami doonta, oo waxaad ku cabbi doontaa koobkii yaabka iyo baabba'da, kaasoo ah koobkii walaashaa Samaariya.
34. Waad cabbi doontaa, oo weliba waad heenheensan doontaa, oo burburkiisana waad ruugi doontaa, oo naasahaagaad jiidi doontaa, waayo, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Aniga ayaa saas ku hadlay.
35. Sidaas daraaddeed Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Waad i illowday oo dhabarkaaga gadaashiisaad igu xoortay, sidaas daraaddeed waa inaad sharkaaga iyo dhillanimadaadaba u xambaarataa.
36. Oo weliba Rabbigu wuxuu kaloo igu yidhi, Wiilka Aadamow, Aaholaah iyo Aaholiibaah miyaad xukumi doontaa? Bal waxyaalahooda karaahiyada ah u sheeg.
37. Waayo, way sinaysteen, oo dhiig baa gacmahooda ku jira, oo sanamyadoodana way ka sinaysteen, oo wiilashoodii ay ii dhaleenna dab bay u dhex marsiiyeen si ay u baabba'aan aawadeed.
38. Oo weliba saasoo kalay igu sameeyeen. Iyagu isku maalin ayay meeshaydii quduuska ahayd nijaaseeyeen, oo sabtiyadaydiina wax nijaas ah bay ka dhigeen.
39. Waayo, markay carruurtoodii sanamyadooda u qaleen ayay isla maalintaasba meeshaydii quduuska ahayd u soo galeen inay nijaaseeyaan, oo bal eeg, waxaas ayay gurigayga dhexdiisa ku sameeyeen.
40. Oo weliba rag baad meel fog uga cid dirsatay, oo waxaa loo diray wargeeye, oo bal eeg, iyana way yimaadeen, oo iyaga aawadood ayaad isu soo maydhay, oo u indhakuushatay, oo wax baad isugu sharraxday,
41. oo waxaad ku fadhiisatay sariir haybad badan oo miis horteeda lagu soo diyaarshay, kaasoo aad fooxaygii iyo saliiddaydii saartay.
42. Oo waxaa iyada la jiray codka dadka faraha badan, oo raaxaysan, oo dadkii faraha badnaana waxaa la yimid sakhraamiin cidlada laga keenay, oo waxay gacmaha u geliyeen dugaagado, oo madaxana taaj qurux badan bay u saareen.
43. Markaasaan tii sinada ku gabowday ka idhi, Miyey haddana ka sinaysan doonaan, oo iyaduse miyey iyaga ka dhillaysan doontaa?