5. Oo sanqadhii baalashii keruubiimtana waxaa laga maqlay tan iyo xataa barxaddii dibadda, sidii markuu Ilaaha Qaadirka ahu hadlo.
6. Oo markuu amray ninkii dharka wanaagsanaa qabay oo uu ku yidhi, Giraangiraha dhexdooda iyo keruubiimta dhexdooda dab ka soo qaad, markaasuu dhex galay oo wuxuu istaagay giraangir dhinaceed.
7. Oo keruubkii wuxuu gacantiisii u fidiyey dabkii keruubiimta dhexdooda yiil, oo intuu wuxoogaa ka soo qaaday ayuu gacantii kii dharka wanaagsanaa qabay ku riday, oo isaguna intuu soo qaaday ayuu baxay.
8. Oo keruubiimtii waxaa ka muuqday wax nin gacantiis u eg oo baalashooda hoosta uga yaal.
9. Oo intaan wax fiirinayay waxaa ii muuqday afartii giraangirood oo keruubiimta dhinac yiil, oo giraangir baa keruub dhinac tiil, oo giraangir kalena keruub kalay dhinac tiil, oo giraangiraha muuqashadooduna waxay u ekayd dhagax berullos oo kale.
10. Oo afartooduba isku muuqashay lahaayeen, oo waxaa la mooday sidii giraangir giraangir kale ku dhex jirta.
11. Oo markay socdeenna waxay ku socdeen afartoodii dhinacba, oo innaba ma ay leexleexan markay socdeen, laakiinse meeshii madaxoodu u sii jeeday ayay u raaceen, oo innaba ma ay leexleexan markay socdeen.
12. Oo jidhkooda oo dhan, iyo dhabarkooda, iyo gacmahooda, iyo baalashooda, iyo giraangirihii afartooda la socdayba waxay ahaayeen indho miidhan oo hareerahooda ku wareegsan.
13. Oo giraangirihiina anigoo maqlaya ayaa lagu magacaabay giraangiraha warwareega.
14. Oo mid kastaaba wuxuu lahaa afar weji. Wejigii kowaad wuxuu ahaa weji keruub, oo wejigii labaadna wuxuu ahaa weji nin, oo kii saddexaadna wuxuu ahaa weji libaax, oo kii afraadna wuxuu ahaa weji gorgor.
15. Keruubiimtii kor bay isu qaadeen. Kuwaasu waxay ahaayeen xayawaankii aan Webi Kebaar agtiisa ku arkay.
16. Keruubiimtu markay socdeenba giraangiruhuna way dhinac socdeen, oo markii keruubiimtu ay baalashooda kor u qaadeen inay dhulka kor isaga qaadaan aawadeed, isla giraangirahaasu dhinacoodii kama ay leexan.
17. Oo markay istaageen, kuwaasuna way istaageen, oo markay kor isu qaadeenna, kuwaasuna kor bay isu qaadeen, waayo, xayawaanka naftoodu iyagay ku jirtay.
18. Markaasaa ammaantii Rabbigu marinka gurigay ka kacday oo waxay istaagtay meel keruubiimtii ka korraysa.