Yeremyaah 23:26-39 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

26. Ilaa goormay waxanu ku sii jirayaan qalbiga nebiyada beenta sii sheega? Iyagu waa nebiyo sii sheega khiyaanada qalbigooda.

27. Waxay u malaynayaan inay dadkayga magacayga ku illowsiiyaan riyooyinkooda midkood kastaba uu deriskiisa u sheego, sidii awowayaashoodba ay magacayga ugu illoobeen Bacal aawadiis.

28. Rabbigu wuxuu leeyahay, Nebigii riyo arkay, riyadiisa ha sheego, oo kii eraygayga maqlayna si daacad ah eraygayga ha u sheego. Buunshaha iyo sarreenka bal maxaa u kala dhexeeya?

29. Rabbigu wuxuu leeyahay, Miyaan eraygaygu ahayn sida dab oo kale, iyo sida dubbe dhagaxa kala burburiya oo kale?

30. Sidaas daraaddeed Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal ogaada, anigu waxaan col ku ahay nebiyada midkood kastaba erayadayda ka xada deriskiisa.

31. Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal ogaada, col baan ku ahay nebiyada carrabkooda ku isticmaala oo yidhaahda, Saasuu Rabbigu leeyahay.

32. Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal ogaada, col baan ku ahay kuwa wax ku sii sheega riyooyin been ah, oo intay u warramaan dadkayga ku qalda beentooda iyo faankooda aan waxtarka lahayn. Rabbigu waxaa kaluu leeyahay, Anigu iyaga ma soo dirin, oo innaba mana amrin, oo iyagu dadkan waxba kuma tari doonaan.

33. Oo markii dadkan ama nebi ama wadaad uu ku weyddiiyo, oo uu kugu yidhaahdo, Rabbiga warkiisa culus waa maxay? Waxaad iyaga ku tidhaahdaa, Waa war maxay ah? Waan idin xoorayaa, ayaa Rabbigu leeyahay.

34. Oo weliba nebigii iyo wadaadkii iyo dadkii odhan doona, Waa kan warka culus ee Rabbiga, ninkaas iyo reerkiisaba waan ciqaabi doonaa.

35. Midkiin kastaaba wuxuu deriskiisa ku odhan doonaa, oo midkiin kastaaba wuxuu walaalkiis ku odhan doonaa, Muxuu Rabbigu ku jawaabay? Oo muxuu Rabbigu ku hadlay?

36. Oo Rabbiga warkiisa culusna mar dambe kama aad hadli doontaan, waayo, nin walba eraygiisaa war culus u noqon doona, maxaa yeelay, idinku waxaad qalloociseen erayadii Ilaaha nool oo ah Rabbiga ciidammada oo ah Ilaahayaga.

37. Waxaad nebiga ku tidhaahdaa, Muxuu Rabbigu kuugu jawaabay? Oo muxuu Rabbigu ku hadlay?

38. Laakiinse haddaad tidhaahdaan, Waa warka culus ee Rabbiga, Rabbigu wuxuu idinku leeyahay, Idinku waxaad tidhaahdaan erayadan oo ah, Waa warka culus ee Rabbiga, oo sidaas daraaddeed baan idiinku soo cid diray anigoo idinku leh, Waa inaadan odhan, Waa warka culus ee Rabbiga.

39. Sidaas daraaddeed bal ogaada, Aniga qudhayda ayaa giddigiin idin illoobi doona, waanan idin xoori doonaa idinka iyo magaaladii aan idinka iyo awowayaashiinba siiyey, oo hortaydana waan idinka fogayn doonaa.

Yeremyaah 23