7. Oo weliba waxay xidheen albaabbadii balbalada, oo laambadihiina way demiyeen, oo Ilaaha reer binu Israa'iilna meeshii quduuska ahayd foox uguma ay shidin, oo qurbaanno la gubona uguma ay bixin.
8. Oo taas daraaddeed ayaa cadhada Rabbigu ugu soo degtay dadka Yahuudah iyo Yeruusaalemba, oo Rabbiguna wuxuu iyagii geliyey rabshad iyo in laga yaabo oo lagu foodhyo, sida aad idinkuba indhihiinna ugu aragtaan.
9. Waayo, bal eega, awowayaasheen seef bay ku le'deen, oo wiilasheennii iyo gabdhaheennii iyo dumarkeenniiba waxaa loo haystaa maxaabiis, waana taas daraaddeed.
10. Haddaba waxaa qalbigayga ku jirta inaan axdi la dhigto Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil, si ay cadhadiisa kululu inooga noqoto.
11. Wiilashaydiiyow, haddaba adeegiddiinna ha dayacina, maxaa yeelay, Rabbigu wuxuu idiin doortay inaad hortiisa istaagtaan oo aad isaga u adeegtaan, oo aad midiidinno u ahaataan, oo aad foox u shiddaan.
12. Markaasaa kuwii reer Laawi waxaa ka dhex kacay Maxad ina Camaasay, iyo Yoo'eel ina Casaryaah oo ahaa reer Qohaad, oo reer Meraariina waxaa ka kacay Qiish ina Cabdii, iyo Casaryaah ina Yehaleleel, oo reer Gershoonna waxaa ka kacay Yoo'aax ina Simmaah, iyo Ceeden ina Yoo'aax.
13. Oo reer Eliisaafaanna waxaa ka kacay Shimrii iyo Yecuu'eel, oo reer Aasaafna waxaa ka kacay Sekaryaah iyo Matanyaah.
14. Oo reer Heemaanna waxaa ka kacay Yexii'eel iyo Shimcii, oo reer Yeduutuunna waxaa ka kacay Shemacyaah iyo Cusii'eel.
15. Oo waxay soo wada ururiyeen walaalahood, oo intay isdaahiriyeen ayay guriga Rabbiga u galeen inay nadiifiyaan si waafaqsan amarkii boqorka ee ahaa erayadii Rabbiga.
16. Oo wadaaddadiina waxay galeen meeshii guriga Rabbiga ugu hoosaysay inay nadiifiyaan, oo wasakhdii ay macbudka Rabbiga gudihiisa ka heleen oo dhan waxay isugu wada keeneen barxaddii guriga Rabbiga. Markaasaa kuwii reer Laawi qaadeen oo waxay geeyeen durdurka Qidroon.