4. Markaasaa Daa'uud wargeeyayaal u diray, wuuna soo kaxaystay; markaasay u soo gashay, wuuna la seexday, (waayo, waxay iska daahirisay nijaasteedii); dabadeedna gurigeedii bay ku noqotay.
5. Oo naagtiina way uuraysatay; markaasay Daa'uud u soo cid dirtay oo u sheegtay, waxayna ku tidhi, Uur baan yeeshay.
6. Daa'uudna cid buu u diray Yoo'aab, oo ku yidhi, Ii soo dir Uuriyaah kii reer Xeed. Markaasaa Yoo'aab Uuriyaah u soo diray Daa'uud.
7. Oo markii Uuriyaah u yimid ayaa Daa'uud weyddiiyey Yoo'aab siduu ahaa, iyo sidii dadku u nabdoonaa, iyo dagaalkii sida loogu guulaystay.
8. Daa'uudna wuxuu Uuriyaah ku yidhi, Bal orod gurigaaga tag oo cagomaydho. Markaasaa Uuriyaah gurigii boqorka ka baxay oo waxaana lala daba galay cunto ka tagtay xagga boqorka.
9. Laakiinse Uuriyaah guriga boqorka iriddiisa ayuu la seexday addoommadii sayidkiisa oo dhan, oo gurigiisiina ma uu tegin.
10. Daa'uudna waa loo soo sheegay oo lagu yidhi, Uuriyaah gurigiisii ma tegin. Markaasaa Daa'uud wuxuu Uuriyaah ku yidhi, War miyaadan sodcaal ka iman? Maxaadse gurigaaga u tegi weyday?
11. Markaasaa Uuriyaah wuxuu Daa'uud ku yidhi, Sanduuqa Ilaah, iyo reer binu Israa'iil, iyo reer Yahuudahba waxay ku jiraan waabab; oo sayidkaygii Yoo'aab iyo addoommadii sayidkayguba waxay ku hoydaan berrin bannaan; haddaba miyaan u galaa gurigayga inaan wax cuno, oo wax cabbo, oo naagtayda la seexdo? Haddaba waxaan ku dhaartay noloshaada iyo naftaada inaanan waxan samaynayn.
12. Markaasaa Daa'uud Uuriyaah ku yidhi, Haddaba bal maantana iska joog oo berrina waan ku dirayaa. Saas aawadeed Uuriyaah maalintaas iyo maalintii dambeba Yeruusaalem buu joogay.
13. Markii Daa'uud u yeedhay ayuu hortiisa wax ku cunay oo wax ku cabbay; markaasuu sakhraamiyey, oo fiidkii buu tegey inuu sariirtiisii jiifsado isagoo la socda addoommadii sayidkiisa, laakiinse gurigiisii ma uu tegin.
14. Oo subaxdii dambe Daa'uud warqad buu Yoo'aab u qoray, wuxuuna ugu sii dhiibay Uuriyaah.