Samuu'eel Kowaad 25:19-37 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

19. Markaasay waxay raggeedii dhallinyarada ahaa ku tidhi, Taga oo iga hor mara, oo anna waan idinka daba imanayaa. Laakiinse waxba uma ay sheegin ninkeedii Naabaal.

20. Oo siday dameerkeedii u soo fuushanayd ayay soo dhaadacday oo ag martay buurta meesheedii qarsoonayd, oo waxaa ka hor yimid Daa'uud iyo raggiisii, markaasay la kulantay.

21. Haddaba Daa'uud wuxuu markaa ka hor yidhi, Hubaal waxtarla'aan baan u dhawrayay waxa ninkanu cidlada ku haysto oo dhan, si aan waxba uga maqnaan waxa uu leeyahay oo dhan, oo wanaaggii aan u falay shar buu iigu beddelay.

22. Ilaah saas iyo si ka sii daranba ha ku sameeyo cadaawayaashayda, haddii waxa uu leeyahay oo dhan xataa wiil yarna ha noqotee aan ka tago tan iyo waaberiga.

23. Oo Abiigayilna markay Daa'uud aragtay ayay haddiiba dameerkeedii ka soo degtay, oo Daa'uud isku hor tuurtay, wayna sujuudday.

24. Oo intay cagihiisa isku tuurtay ayay tidhi, Dembiganu dushayda ha ahaado, sayidkaygiiyow, dushayda ha ahaado, oo waan ku baryayaaye, anoo addoontaada ahu dhegahaaga aan ku hadlo, oo adiguna bal maqal erayadayda anoo addoontaada ah.

25. Waan ku baryayaaye, sayidkaygiiyow, ha ka fikirin ninkan waxmataraha ah ee Naabaal la yidhaahdo, waayo, sida magiciisu u yahay weeye isaguna; magiciisu waa Naabaal oo waxaa isaga ku jirta nacasnimo, laakiinse anigoo ah addoontaada ma aanan arkin nimankii dhallinyarada ahaa oo aad soo dirtay, sayidkaygiiyow.

26. Sidaas daraaddeed, sayidkaygiiyow, waxaan ku dhaartay nolosha Rabbiga, iyo adiga naftaada, maxaa yeelay, Rabbigu wuxuu kaa hor joogsaday inaad dhiig gasho, iyo inaad gacantaada ku aarsatid, haddaba cadaawayaashaada iyo kuwa xumaanta kula doonaya, sayidkaygiiyow, ha noqdeen sida Naabaal oo kale.

27. Haddaba sayidkaygiiyow, hadiyaddan anoo addoontaada ah aan kuu keenay, ha la siiyo ragga dhallinyarada ah oo kula socda.

28. Waan ku baryayaaye, anoo addoontaada ah xadgudubkayga iga cafi, sayidkaygiiyow, waayo, Rabbigu hubaal wuxuu kuu samayn doonaa guri ammaan ah, maxaa yeelay, waxaad dirirtaa dagaallada Rabbiga; oo cimrigaaga oo dhanna shar lagaama heli doono.

29. Oo in kastoo dadku kugu kaco oo kuu eryado inuu nafta kaa qaado, weliba, sayidkaygiiyow, naftaadu waxay xidhmada nolosha kula xidhnaan doontaa Rabbiga Ilaahaaga ah, oo cadaawayaashaada naftoodana wuu tuuri doonaa sidii isagoo ka tuuraya wadhafka meeshiisa godan.

30. Oo markii Rabbigu kuu sameeyo wanaaggii uu kaaga hadlay oo dhan ee uu amiir kaaga dhigo reer binu Israa'iil oo dhan, sayidkaygiiyow,

31. markaas ma nixi doontid, qalbigaaguna kuuma xumaan doono dhiig aad sababla'aan u daadisay, iyo aarsasho; oo markii Rabbigu si wanaagsan kuula macaamiloodo, sayidkaygiiyow, bal markaas i soo xusuuso, anoo addoontaada ah.

32. Markaasaa Daa'uud wuxuu Abiigayil ku yidhi, Waxaa mahad leh Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil oo maanta kuu soo diray inaad iga hor timaadid.

33. Waxaa barakaysan xigmaddaada, oo adna waad barakaysan tahay, waayo, waxaad maanta iga celisay inaan dhiig galo iyo inaan gacantayda ku aarsado.

34. Waxaan ku dhaartay Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil oo nool oo iga joojiyey inaan wax ku yeelo, waayo, hubaal haddii aadan degdegin oo iga hor iman, waaberiga Naabaal xataa wiil yaru uma uu hadheen.

35. Sidaas daraaddeed Daa'uud gacanteedii buu ka guddoomay wixii ay u keentay, markaasuu ku yidhi, Haddaba gurigaagii nabad ku tag, oo bal eeg, codkaagii waan maqlay, waanan ku aqbalay.

36. Markaasaa Abiigayil u timid Naabaal, oo bal eeg, gurigiisuu ku qabtay diyaafad u eg boqor diyaafaddiis, oo Naabaalna qalbigiisu aad buu u faraxsanaa, waayo, aad buu u sakhraansanaa; sidaas daraaddeed waxba uma ay sheegin yar iyo badnaan toona ilaa waaberigii.

37. Oo subaxdii markii Naabaal sakhraankii ka ba'ay ayay naagtiisii waxyaalahan u sheegtay, markaasaa qalbigii ku dhex dhintay, oo sidii dhagax oo kale ayuu noqday.

Samuu'eel Kowaad 25