1. Waxaa dhulkii ka dhacday abaar, oo aan ahayn tii hore oo waagii Ibraahim dhacday. Markaasaa Isxaaq u kacay xagga Abimeleg oo ahaa boqorkii reer Falastiin xagga Geraar.
2. Rabbiguna wuu u muuqday isaga, oo wuxuu ku yidhi, Xagga Masar ha u dhaadhicin, laakiinse deg dhulka aan kuu sheegi doono.
3. Dhulkan qariib ahaan u deg, oo anna waan kula jiri doonaa, oo waan ku barakayn doonaa; waayo, adiga iyo farcankaaga ayaan dalalkan oo dhan siin doonaa, oo waxaan adkayn doonaa dhaartii aan ugu dhaartay aabbahaa Ibraahim.
4. Farcankaagana waxaan u tarmin doonaa sida xiddigaha samada, oo waxaan farcankaaga siin doonaa dalalkan oo dhan, farcankaagayna quruumaha dunida oo dhammu ku barakoobi doonaan;
5. maxaa yeelay, Ibraahim baa addeecay codkaygii, wuxuuna dhawray wixii la ii dhawri lahaa, iyo xukummadaydii, iyo amarradaydii, iyo qaynuunnadaydii.
6. Isxaaqna wuxuu degganaa Geraar:
7. oo dadkii meeshaas joogay baa naagtiisii ka warsaday, oo wuxuu yidhi, Iyadu waa walaashay: waayo, wuu ka cabsaday inuu yidhaahdo, Waa naagtaydii, oo wuxuu isyidhi, waaba intaasoo ay dadka meeshanu igu dilaan Rebeqah aawadeed, maxaa yeelay, way suurad quruxsanayd.
8. Markuu halkaas wakhti dheer joogay ayaa Abimeleg oo ahaa boqorkii reer Falastiin daaqad ka fiiriyey, oo uu arkay Isxaaq oo naagtiisii Rebeqah la qooqaya.
9. Markaasuu Abimeleg Isxaaq u yeedhay, oo yidhi, Hubaal iyadu waa naagtaadii. De sidee baad ku tidhi, Waa walaashay? Isxaaqna wuxuu ku yidhi, Maxaa yeelay, waxaan is-idhi, Waaba intaasoo aad u dhimatid iyada aawadeed.
10. Oo Abimelegna wuxuu ku yidhi, War waa maxay waxan aad nagu samaysay? Mid dadka ka mid ahu dhib yaraan buu ula jiifsan lahaa naagtaada, oo kolkaasaad eed noo soo jiidi lahayd.
11. Markaasaa Abimeleg wuxuu dadkii oo dhan ku amray, oo yidhi, Kii ninkan ama naagtiisa taabta hubaal naftaa laga qaadi doonaa.
12. Isxaaqna dhulkaasuu wax ku beertay, isla sannaddiina wuxuu helay boqol laab; Rabbiguna wuu barakeeyey isagii.
13. Ninkiina wuu weynaaday, oo hor u maray, ilaa uu noqday nin aad u weyn,
14. wuxuuna lahaa adhi iyo lo', iyo addoommo fara badan; markaasay reer Falastiin ka masayreen.
15. Ceelashii addoommada aabbihiis qodeen oo dhan waagii aabbihiis Ibraahim noolaa ayay reer Falastiin hore u awdeen oo ciid uga buuxiyeen.
16. Abimelegna wuxuu Isxaaq ku yidhi, Naga tag; waayo, aad baad nooga xoog badan tahay.
17. Markaasaa Isxaaq halkaas ka tegey, oo dooxadii Geraar degay, halkaasuuna joogay.