15. Dadkii reer Dedaanna way kula baayacmushtari jireen, oo gasiirado badan ayaa kuu ahaan jiray meelahaad ku baayacmushtartid, oo waxay kuu keeni jireen foolmaroodi iyo qori haabniim ah.
16. Suuriyana way kula baayacmushtari jirtay, maxaa yeelay, sanco faro badan baad samayn jirtay, oo waxay alaabtaada kaga baayacmushtari jireen dhagaxyo sumurud la yidhaahdo, iyo guduud, iyo daabac, iyo dhar wanaagsan, iyo shacaab iyo dhagax agate la yidhaahdo.
17. Dalka Yahuudah iyo dalka Israa'iilna way kula baayacmushtari jireen, oo waxay alaabtaada kaga baayacmushtari jireen sarreenkii Minniid, iyo fannag macaan, iyo malab, iyo saliid, iyo beeyo.
18. Dimishaqna way kula baayacmushtari jirtay sancadaadii faraha badnayd aawadeed, iyo hodantinimadaadii badnayd ee cayn kasta ahayd oo dhan, oo waxay ka dhaafsan jirtay khamrigii Xelboon iyo dhogor cad.
19. Wedaan iyo Yaawaan waxay alaabtaada kaga baayacmushtareen dun, oo alaabtaadana waxaa ka mid ahaa bir dhalaalaysa iyo kasiya iyo kalamus.