3. Sidaas daraaddeed Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Reer Turosow, bal eeg, anigu col baan kugu ahaye, oo waxaan ka dhigi doonaa inay quruumo badanu kuugu soo kacaan siday baddu hirarkeeda u soo kiciso oo kale.
4. Oo iyagu derbiyada Turos way baabbi'in doonaan, oo munaaradaheedana way dumin doonaan, oo ciiddeedana waan ka xoqi doonaa, oo dhagax diiran oo kale baan ka dhigi doonaa.
5. Oo waxay noqon doontaa meel shabagyo lagu wadho oo badda dhexdeeda ku taal, waayo, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Aniga ayaa saas ku hadlay, oo booli bay quruumaha u noqon doontaa.
6. Oo gabdhaheeda berrinka joogana seef baa lagu wada layn doonaa; oo waxay ogaan doonaan inaan anigu Rabbiga ahay.
7. Waayo, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Bal ogaada, waxaan Turos ku soo kicin doonaa boqorka Baabuloon oo ah Nebukadresar boqorkii boqorrada, oo xagga woqooyi buu ka iman doonaa isagoo wata fardo, iyo gaadhifardoodyo, iyo rag fardooley ah, iyo guuto ciidan ah, iyo dad faro badan.
8. Oo isagu gabdhahaaga berrinka jooga seef buu ku wada layn doonaa, oo qalcado buu kuu samaysan doonaa, oo tuulmo buu kuu tuulan doonaa, oo gaashaan weyn ayuu kor kuugu qaadan doonaa.
9. Wuxuu derbiyadaada ku tumi doonaa wax lagu jejebiyo, oo munaaradahaagana wuxuu ku dumin doonaa faasaskiisa.
10. Oo fardihiisa badan aawadood ayaa boodhkoodu ku qarin doonaa, oo derbiyadaaduna waxay la gariiri doonaan ragga fardooleyda buuqooda, iyo giraangiraha iyo gaadhifardoodyada gurdankooda, markuu irdahaaga u soo galo sida rag u soo galo magaalo dhinac laga faruuray oo kale.
11. Oo qoobabka fardihiisa ayuu jidadkaaga oo dhan kula tuman doonaa, oo dadkaagana seef buu ku wada layn doonaa, oo tiirarkaaga adadaguna dhulkay ku soo dhici doonaan.
12. Maalkaaga way dhici doonaan, oo booli ahaan bay baayacmushtarkaaga u qaadan doonaan, oo derbiyadaadana way dumin doonaan, oo daarahaaga qurqurxoonna way burburin doonaan, oo dhagxantaada iyo alwaaxdaada iyo boodhkaagaba biyahay ku dhex daadin doonaan.
13. Oo waxaan joojin doonaa qaylada heesahaaga, oo kataaradahaaga sanqadhoodana mar dambe lama maqli doono.
14. Waxaanan kaa dhigi doonaa sida dhagax diiran oo kale, oo waxaad noqon doontaa meel shabagyada lagu dul wadho, oo mar dambena dib laguuma dhisi doono, waayo, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Aniga Ilaaha ah ayaa saas ku hadlay.