Yexesqeel 20:38-49 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

38. Markaasaan idinka dhex sooci doonaa caasiyiinta iyo kuwa igu xadgudba. Waxaan iyaga ka soo bixin doonaa dalka ay qariib ahaanta u joogaan, laakiinse dalka reer binu Israa'iil sooma ay geli doonaan, oo idinkuna waxaad ogaan doontaan inaan anigu Rabbiga ahay.

39. Reer binu Israa'iilow, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Haddeydnan i dhegaysanayn, taga, oo haddan iyo hadda dabadeedba midkiin kastaaba sanamyadiisa ha u adeego, laakiinse waa inaydaan magacayga quduuska ah mar dambe nijaas kaga dhigin hadiyadihiinna iyo sanamyadiinna.

40. Waayo, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Reer binu Israa'iil oo dhan kulligoodba dalka dhexdiisa ayay iigu adeegi doonaan buurtayda quduuska ah taasoo ah buurta dheer ee dalka reer binu Israa'iil, oo halkaasaan iyaga ku aqbali doonaa. Oo halkaasaan qurbaannadiinna iyo inta ugu horraysa ee hadiyadihiinna, iyo waxyaalihiinna quduuska ah oo dhanba idinku weyddiisan doonaa.

41. Oo sida caraf udgoon baan idiin aqbali doonaa markaan dadyowga idinka soo dhex bixiyo oo aan waddammadii aad ku kala dhex firidheen idinka soo ururiyo, oo dhexdiinnaan quduus ku ahaan doonaa quruumaha hortooda.

42. Oo waxaad ogaan doontaan inaan anigu Rabbiga ahay, markaan idin dhex keeno dalka reer binu Israa'iil, kaasoo ah dalkii aan gacanta ugu qaaday awowayaashiin oo aan ugu dhaartay inaan iyaga siinayo.

43. Oo halkaasaad jidadkiinnii iyo falimihiinnii aad isku nijaasayseenba ku soo xusuusan doontaan, oo waxyaalihiinnii sharka ahaa ee aad samayseen oo dhan ayaad isu nici doontaan.

44. Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Reer binu Israa'iilow, iyadoo aan ahayn sidii jidadkiinnii sharka ahaa ay ahaayeen, amase sidii falimihiinnii qudhunka ahaa ay ahaayeen, markaan magacayga aawadiis idiinku shaqeeyo ayaad ogaan doontaan inaan anigu Rabbiga ahay.

45. Oo haddana Eraygii Rabbiga ayaa ii yimid isagoo leh,

46. Wiilka Aadamow, wejigaaga xagga koonfureed u sii jeedi, oo hadal xagga koonfureed ka gees ah ku hadal, oo waxaad wax ka sii sheegtaa kaynta duurka xagga koonfureed ku taal;

47. oo waxaad kaynta koonfureed ku tidhaahdaa, Rabbiga eraygiisa maqal: Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Bal ogow, dab baan kugu dhex shidi doonaa, oo wuxuu wada baabbi'in doonaa geed kasta oo qoyan oo dhexdaada ku yaal iyo geed kasta oo qallalanba. Ololka ololayana lama demin doono, oo weji kasta oo tan iyo xagga koonfureed iyo ilaa xagga woqooyi joogaana isaguu ku guban doonaa.

48. Oo binu-aadmiga oo dhammuna waxay wada arki doonaan in aniga Rabbiga ahu aan dabkaas shiday, oo innaba lama demin doono.

49. Markaasaan idhi, Sayidow, Rabbiyow, waxay iga yidhaahdaan, Sow isagu masaalooyin kuma hadlin?

Yexesqeel 20