Yashuuca 24:25-31 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

25. Taas daraaddeed maalintaas ayaa Yashuuca dadkii axdi la dhigtay, oo Shekem buu ugu dejiyey qaynuun iyo amar.

26. Markaasaa Yashuuca erayadan ku qoray kitaabkii sharcigii Ilaah; oo dhagax weyn buu qaaday, oo wuxuu hoos qotonshay geedkii ku ag yiil taambuugga quduuskaa oo Rabbiga.

27. Yashuucana wuxuu dadkii oo dhan ku yidhi, Bal ogaada, dhagaxanaa inagu marag furi doonee; waayo, wuxuu maqlay erayadii Rabbiga oo uu inagula hadlay oo dhan; sidaas daraaddeed wuxuu idinku noqon doonaa marag, si aydnaan Ilaahiinna u inkirin.

28. Markaasaa Yashuuca dadkii kala diray oo nin waluba wuxuu tegey dalkii dhaxalkiisa ahaa.

29. Oo taas dabadeed addoonkii Rabbiga oo ahaa Yashuuca ina Nuun ayaa dhintay, isagoo jira boqol iyo toban sannadood.

30. Oo waxay ku aaseen dalkii uu dhaxalka u helay oo ahaa Timnad Serah oo ku tiil dalkii buuraha lahaa oo reer Efrayim, oo xagga woqooyi ka xigta buurta Gacash.

31. Reer binu Israa'iilna Rabbigay u adeegi jireen waagii Yashuuca oo dhan, iyo waagii odayaashii ka nolol dambeeyey Yashuuca oo dhan, kuwaas oo ogaa kulli shuqulkii Rabbigu u sameeyey reer binu Israa'iil.

Yashuuca 24