2. Waan idin baryayaaye, La hadla dadka Shekem oo dhan, oo bal weyddiiya, Kee baa idiin wanaagsan, in wiilasha Yerubbacal oo ah toddobaatan ay idiin wada taliyaan, mise in mid keliyahu idiin taliyo? Oo waxaad kaloo xusuusataan inaan ahay laftiinnii iyo hilibkiinnii.
3. Markaasay abtiyaashiis ula hadleen dadkii Shekem oo dhan, oo waxay u sheegeen erayadiisii oo dhan; kolkaasay qalbiyadoodii u leexdeen inay Abiimeleg raacaan; waayo, waxay yidhaahdeen, Isagu waa walaalkeen.
4. Markaasay waxay isagii gurigii Bacal Beriid ka siiyeen toddobaatan xabbadood oo lacag ah, oo Abiimeleg wuxuu ku kiraystay ciyaalasuuq iyo waxmatarayaal isaga raacay.
5. Markaasuu reerkii aabbihiis ugu tegey Coofraah, oo wuxuu isku dhagax dushiis ku laayay walaalihiis ilmo Yerubbacal oo ahaa toddobaatan qof; laakiinse garuddambayskii Yerubbacal oo ahaa Yootam ayaa hadhay, waayo, wuu dhuuntay.
6. Markaasaa waxaa soo shiray oo isku soo ururay dadkii Shekem oo dhan iyo reer Millo oo dhan, oo intay tageen ayay Abiimeleg boqor ka dhigteen, oo waxay ku ag boqreen geedkii tiirkii ku yiil Shekem.
7. Oo markii taas loo sheegay Yootam ayuu tegey oo wuxuu isku taagay Buur Gerisiim dusheedii, oo intuu qayliyey ayuu codkiisii kor u qaaday oo yidhi, Bal i maqla, dadka reer Shekemow, in Ilaah idin maqlo.
8. Waa baa dhirtu damacday inay boqor subkaan, markaasay geedsaytuun ku yidhaahdeen, Kaalay oo boqor noo noqo.
9. Laakiinse geedsaytuunkii wuxuu ku yidhi iyagii, Miyaan barwaaqadayda ka tagaa, tan lagu sharfa Ilaah iyo dadkaba, oo miyaan u kacaa inaan hore iyo dib uga lulmado geedaha dushooda?
10. Markaasay dhirtii ku yidhaahdeen geedberde, Kaalay oo boqor noo noqo.
11. Laakiinse geedberdihii wuxuu ku yidhi, Miyaan ka tagaa macaankayga iyo midhahayga wanaagsan, oo miyaan u kacaa inaan hore iyo dib uga lulmado geedaha dushooda?
12. Markaasay dhirtii ku yidhaahdeen geedcanab, Kaalay oo boqor noo noqo.
13. Markaasaa geedcanabkii wuxuu ku yidhi iyagii, Miyaan ka tagaa khamrigayga ka farxiya Ilaah iyo dadkaba, oo miyaan u kacaa inaan hore iyo dib uga lulmado geedaha dushooda?
14. Markaasaa dhirtii oo dhammu waxay ku yidhaahdeen gocondho, Kaalay oo boqor noo noqo.
15. Markaasaa gocondhadii waxay dhirtii ku tidhi, Haddaad daacad ii boqranaysaan, kaalaya oo hooskayga hadhsada; haddii kalese, dab ha ka soo baxo gocondhada oo ha laasto geedaha kedar la yidhaahdo oo Lubnaan.
16. Haddaba haddaad daacad iyo si qumman ku socoteen, markii aad boqrateen Abiimeleg, iyo haddaad daacad kula macaamilooteen Yerubbacal iyo reerkiisii, oo aad u samayseen wixii uu idinka istaahilay;
17. (waayo, aabbahay idinkuu idiin diriray oo aawadiin buu naftiisii u biimeeyey, oo wuxuu idinka soo samatabbixiyey gacantii reer Midyaan;