Taariikhdii Labaad 4:1-11 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

1. Oo weliba wuxuu kaloo sameeyey meel allabari oo naxaas ah oo dhererkeedu labaatan dhudhun yahay, ballaadhkeeduna labaatan dhudhun yahay, sarajooggeeduna labaatan dhudhun yahay.

2. Oo wuxuu kaloo sameeyey berkeddii naxaasta ahayd, oo qarkeedu gees ilaa ka gees wuxuu isu jiray toban dhudhun, wayna wareegsanayd, oo sarajooggeeduna wuxuu ahaa shan dhudhun, wareeggeeduna wuxuu ahaa soddon dhudhun.

3. Oo hoosteedana waxaa ku yiil wax dibiyo u eg oo ku wareegsanaa, dhudhunba toban, oo berkedda oo dhan hareeraheeda ku wareegsanaa. Oo dibiyadu waxay ahaayeen laba saf, oo markii berkeddii la shubay ayaa iyana la shubay.

4. Oo berkeddu waxay dul saarnayd laba iyo toban dibi, oo saddex waxay u jeedday xagga woqooyi, saddexna waxay u jeedday xagga galbeed, saddexna waxay u jeedday xagga koonfureed, saddexna waxay u jeedday xagga bari; berkeddiina way dul saarnayd, oo dibidii kulligood qaarkooda dambe wuxuu ku jiray gudaha.

5. Oo berkeddii dhumucdeedu waxay ahayd taako; qarkeedana waxaa loo sameeyey sidii koob qarkiis oo kale oo ubax u ekaa; oo waxay qaadday saddex kun oo qiyaasood oo bad la yidhaahdo.

6. Oo haddana wuxuu kaloo sameeyey toban berkedood oo yaryar oo wax lagu maydho, oo shan wuxuu dhigay dhanka midigta, shantii kalena wuxuu dhigay dhanka bidixda, oo wixii allabari la gubo daraaddiis loo bixinayoba iyagaa lagu dhex maydhi jiray; laakiinse berkeddii weysada ahayd waxaa ku maydhan jiray wadaaddada oo qudha.

7. Oo wuxuu kaloo sameeyey tobankii laambadood oo dahabka ahaa, wuxuuna u sameeyey si waafaqsan amarkii iyaga ku saabsanaa, oo iyagii wuxuu dhex qotomiyey macbudka. Shan wuxuu dhigay dhanka midigta, shanna wuxuu dhigay dhanka bidixda.

8. Oo haddana wuxuu kaloo sameeyey toban miis, oo iyagiina wuxuu dhex dhigay macbudka. Shan wuxuu dhigay dhanka midigta, shanna wuxuu dhigay dhanka bidixda. Oo wuxuu kaloo sameeyey boqol maddiibadood oo dahab ah.

9. Oo weliba wuxuu kaloo sii sameeyey barxaddii wadaaddada, iyo barxaddii weynayd, iyo albaabbadii barxadda, oo albaabbadoodiina wuxuu ku dahaadhay naxaas.

10. Oo berkeddii weysada ahayd wuxuu dhigay guriga dhankiisa midigta oo ah xagga bari-koonfureed.

11. Oo Xuuraamna wuxuu sameeyey dheryihii iyo majarafadihii iyo maddiibadihii. Oo Xuuraamna sidaasuu u dhammeeyey shuqulkii uu Boqor Sulaymaan ugu sameeyey guriga Ilaah,

Taariikhdii Labaad 4