16. Oo waxaa lagu aasay magaaladii Daa'uud, iyo meel qabuurihii boqorrada dhexdooda ah, maxaa yeelay, wax wanaagsan buu ku dhex sameeyey reer binu Israa'iil, iyo xagga Ilaah iyo xagga gurigiisba.
17. Haddaba markii Yehooyaadaac dhintay dabadeed waxaa yimid amiirradii dalkii Yahuudah oo boqorkay u sujuudeen. Markaasaa boqorkii iyagii maqlay.
18. Oo iyana waxay ka tageen gurigii Rabbiga ah Ilaahii awowayaashood, oo waxay u adeegeen geedihii Asheeraah iyo sanamyadii. Markaasaa dadkii dalka Yahuudah iyo dadkii Yeruusaalem degganaa waxaa ku soo degtay cadho xadgudubkoodan aawadiis.
19. Oo weliba wuxuu u soo diray nebiyo si ay iyaga ugu soo celiyaan Rabbiga xaggiisa, iyana way ku marag fureen iyagii, laakiin ma ay maqlin.
20. Markaasaa Ruuxii Ilaah wuxuu ku soo degay Sekaryaah oo uu dhalay wadaadkii Yehooyaadaac ahaa, oo isna intuu meel dadka ka korraysaa istaagay ayuu ku yidhi, Ilaah wuxuu idinku leeyahay, War maxaad ugu xadgudbaysaan Rabbiga amarradiisa? Idinku ma liibaani karaysaan, maxaa yeelay, Rabbiga waad ka tagteen, isna wuu idinka tegey.
21. Oo iyana intay isagii shirqool u dhigeen, ayay iyagoo boqorka amar ka wata isagii ku dhagxiyeen barxadda guriga Rabbiga.
22. Sidaasuusan Boqor Yoo'aash u xusuusan roonaantii uu Yehooyaadaac oo isaga aabbihiis ahaa u sameeyey, laakiinse wuxuu dilay wiilkiisii. Oo markuu dhimanayay ayuu yidhi, Rabbigu xaalkan ha fiiriyo oo ha idin weyddiiyo.
23. Oo isla sannaddaas dhammaadkeedii waxaa isagii ku soo kacay ciidankii reer Suuriya, oo intay dalkii Yahuudah iyo Yeruusaalem yimaadeen ayay amiirradii dadka oo dhan ka baabbi'iyeen dadka dhexdiisii, oo wixii ay dhaceen oo dhan ayay u direen boqorkii Dimishaq degganaa.
24. Ciidankii reer Suuriya waxay yimaadeen iyagoo ah guuto yar, markaasaa Rabbigu wuxuu gacanta u geliyey ciidan aad u faro badan, maxaa yeelay, waxay ka tageen Rabbigii ahaa Ilaahii awowayaashood. Oo sidaasaa xukun loogu soo dejiyey Yoo'aash.
25. Oo markay isagii ka tageen, (waayo, waxay ka tageen isagoo aad iyo aad u buka) ayaa isaga addoommadiisii u sirqooleen dhiiggii uu qabay oo ilma Yehooyaadaac, kii wadaadka ahaa, oo waxay dileen isagoo sariirtiisii ku jiifa, wuuna dhintay. Oo waxaa lagu aasay magaaladii Daa'uud, laakiinse isagii laguma dhex aasin qabuurihii boqorrada.
26. Oo kuwii isaga sirqoolka u dhigayna waxay ahaayeen Saabaad oo ay dhashay Shimcaad oo ahayd reer Cammoon, iyo Yehoosaabaad oo ay dhashay Shimriid oo ahayd reer Moo'aab.
27. Haddaba xaalkii wiilashiisa, iyo culaabtii weynayd ee korkiisa saarnayd, iyo siduu gurigii Ilaah mar dambe u dhisayba, bal eeg waxay ku wada qoran yihiin kitaabkii boqorrada. Oo meeshiisiina waxaa boqor ka noqday wiilkiisii Amasyaah.