Taariikhdii Kowaad 7:1-6 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

1. Wiilashii Isaakaarna waxay ahaayeen Toolac, iyo Fuwaah, iyo Yaashuub, iyo Shimroon, afar bay ahaayeen.

2. Wiilashii Toolacna waxay ahaayeen Cusii, iyo Refaayaah, iyo Yerii'eel, iyo Yahmay, iyo Yibsaam, iyo Shemuu'eel, oo waxay ahaayeen madaxdii reerahoodii oo ahaa reer Toolac, oo qarnigoodiina rag xoog badan bay ku ahaayeen. Wakhtigii Daa'uud joogayna tiradoodu waxay ahayd laba iyo labaatan kun iyo lix boqol.

3. Farcankii Cusiina waxay ahaayeen Yisraxyaah, iyo wiilashii Yisraxyaah oo ahaa Miikaa'eel, iyo Cobadyaah, iyo Yoo'eel, iyo Yishiyaah, oo waxay isku ahaayeen shan, dhammaantoodna waxay ahaayeen rag madax ah.

4. Oo iyaga waxaa la jiray guutooyin ah ciidankii dagaalka sidii ay u kala dhasheen iyo sidii reerahoodu ahaayeen, waxayna ahaayeen lix iyo soddon kun oo nin, waayo, waxay lahaayeen naago iyo wiilal badan.

5. Oo walaalahoodii qolooyinka reer Isaakaar ku dhex jiray oo dhammu waxay ahaayeen rag xoog badan, oo kulligoodna abtiriskooda la tiriyey, oo waxayna ahaayeen toddoba iyo siddeetan kun oo qof.

6. Wiilashii Benyaamiinna waxay ahaayeen Belac, iyo Beker, iyo Yediica'eel, oo ahaa saddex.

Taariikhdii Kowaad 7