20. Markaasaa Aarnaan soo jeestay oo arkay malaggii, oo afartiisii wiil oo isaga la joogayna way dhuunteen. Haddaba Aarnaan wuxuu tumayay sarreen.
21. Oo markii Daa'uud u yimid Aarnaan ayaa Aarnaan arkay Daa'uud, oo intuu meeshii ka baxay ayuu u sujuuday Daa'uud, wejigana dhulkuu saaray.
22. Markaasaa Daa'uud wuxuu Aarnaan ku yidhi, Meeshan wax lagu tumo i sii, aan meel allabari Rabbiga uga dhisee. Waxaad igu siinaysaa qiima buuxa in belaayadu ay dadka ka joogsato.
23. Markaasaa Aarnaan wuxuu Daa'uud ku yidhi, Boqorow sayidkaygiiyow, qaado oo samee wixii kula wanaagsan, bal eeg, dibida waxaan kuu siinayaa qurbaanno la gubo aawadiis, oo alaabta wax lagu tumona qoryo aawadood, sarreenkana qurbaan aawadiis, anigu kulli waan ku wada siinayaa.
24. Markaasaa Boqor Daa'uud wuxuu Aarnaan ku yidhi, Maya, laakiinse sida runta ah qiima buuxa ayaan kaaga iibsanayaa, waayo, Rabbiga u qaadi maayo wax aad adigu leedahay, oo qurbaan la gubo oo aanan waxba ka bixin anigu Ilaah ugu bixin maayo.
25. Haddaba Daa'uud wuxuu Aarnaan meeshii ka siiyey dahab miisaankiisu yahay lix boqol oo sheqel.
26. Markaasaa Daa'uud halkaas Rabbiga uga dhisay meel allabari, oo wuxuu u bixiyey qurbaanno la gubo iyo qurbaanno nabaadiino, oo Rabbiguu baryay, oo isna wuxuu isagii samada ugaga jawaabay dab ku soo kor dhacay meeshii qurbaanka la gubo.
27. Markaasaa Rabbigu amray malaggii, isna seeftiisuu ku celiyey galkeedii.
28. Oo isla markaasba Daa'uud markuu arkay in Rabbigu isaga uga jawaabay meeshii wax lagu tumi jiray oo uu lahaa Aarnaan oo ahaa reer Yebuus ayuu halkaas ku allabaryay.
29. Waayo, taambuuggii Rabbiga ee Muuse cidlada ku dhex sameeyey iyo meeshii qurbaanka la guboba markaas waxay dhex yiilleen meesha sare ee Gibecoon ku taal.