Sharciga Kunoqoshadiisa 4:33-45 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

33. War weligeed dad ma maqlay codkii Ilaah oo ka hadlaya dab dhexdiisa sidaad u maqasheen oo kale, oo ma sii noolaaday?

34. Oo weligiis Ilaah maysku dayay inuu quruun dhexdeed kala soo baxo quruun kale, oo ma kaga soo bixiyey jirrabaadyo, iyo calaamooyin, iyo yaabab, iyo dagaal, iyo gacan xoog badan, iyo cudud fidsan, sidii Rabbiga Ilaahiinna ahu idinkoo u jeeda uu idiinku sameeyey dalkii Masar?

35. Oo taas waxaa laydiin tusay inaad ogaataan in Rabbigu yahay Ilaah, oo isaga mooyaane mid kale ma jiro.

36. Oo isagu samaduu codkiisa idinka maqashiiyey si uu wax idiin baro, oo dhulka dushiisana wuxuu idinka tusay dabkiisii weynaa, oo erayadiisiina waad ka maqashay dabka dhexdiisa.

37. Wuxuu jeclaa awowayaashiin, oo sidaas daraaddeed ayuu doortay farcankoodii iyaga ka dambeeyey, oo wuxuu dalkii Masar idinkaga soo bixiyey lajiriddiisa iyo xooggiisa weyn,

38. iyo inuu hortiinna ka eryo quruumo idinka waaweyn oo idinka xoog badan, oo uu dalkooda idin geliyo oo uu dhaxal idiin siiyo siday maanta tahay.

39. Haddaba maanta ogaada oo qalbiga geliya in Rabbigu yahay Ilaah jooga xagga samada sare iyo xagga dhulka hooseba, oo isaga mooyaane uusan mid kale jirin.

40. Oo waa inaad dhawrtaan qaynuunnadiisa iyo amarradiisa aan maanta idinku amrayo, inaad idinka iyo carruurtiinna idinka dambaysaaba nabdoonaataan, oo uu cimrigiinnu ku dheeraado dalka Rabbiga Ilaahiinna ahu idin siinayo inaad weligiin lahaataan.

41. Markaasaa Muuse wuxuu gooni ka dhigay saddex magaalo oo ku taal Webi Urdun shishadiisa xagga qorrax ka soo baxa,

42. in gacankudhiiglihii deriskiisa kama' u dilo, isagoo aan wakhti hore nebcayn, uu halkaas ku cararo, iyo in hadduu magaalooyinkan middood ku cararo uu noolaado.

43. Saddexdaas magaalona waxay ahaayeen Beser oo ku taal cidlada ah waddanka bannaan oo uu u doortay reer Ruubeen, iyo Raamod oo Gilecaad ku taal oo uu u doortay reer Gaad, iyo Goolaan oo Baashaan ku taal oo uu u doortay reer Manaseh.

44. Oo kanu waa sharcigii Muuse hor dhigay reer binu Israa'iil,

45. kuwanuna waa markhaatifurkii iyo qaynuunnadii iyo xukummadii uu Muuse kula hadlay reer binu Israa'iil markay dalkii Masar ka soo baxeen,

Sharciga Kunoqoshadiisa 4