Sharciga Kunoqoshadiisa 13:1-8 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

1. Hadduu dhexdiinna ka kaco nebi ama mid riyooyin ku riyooda, oo uu idin tuso calaamad ama yaab,

2. oo calaamadda amase yaabku haddu rumoobo oo la arko wixii uu idinkula hadlay isagoo leh, Ina keena aynu ilaahyo kale raacnee oo aynu iyaga u adeegnee kuwaas oo aydaan aqoonin,

3. waa inaydaan dhegaysan erayada nebigaas ama riyaalowgaas, waayo, Rabbiga Ilaahiinna ahu wuu idin tijaabinayaa inuu ogaado bal inaad Rabbiga Ilaahiinna ah ka jeceshihiin qalbigiinna oo dhan iyo naftiinna oo dhan iyo in kale.

4. Waa inaad Rabbiga Ilaahiinna ah raacdaan oo ka cabsataan, oo waa inaad amarradiisa xajisaan oo codkiisa addeecdaan, waana inaad isaga u adeegtaan oo ku hadhaan.

5. Oo nebigaas ama riyaalowgaas waa in la dilaa, maxaa yeelay, wuxuu ku hadlay wax ku caasinimo ah Rabbiga Ilaahiinna ah oo idinka soo bixiyey dalkii Masar oo idinka soo furtay gurigii addoonsiga, si uu idiinka leexiyo jidkii Rabbiga Ilaahiinna ahu idinku amray inaad ku socotaan. Oo sidaas waa inaad shar dhexdiinna uga saartaan.

6. Oo haddii walaalkaa oo ah wiilkii hooyadaa, ama wiilkaaga, ama gabadhaada, ama naagtaada laabta kaaga jiifta, ama saaxiibkaaga sida naftaada kula mid ahu uu si qarsoodi ah kugu sasabo oo uu ku yidhaahdo, Ina keen aynu u adeegno ilaahyo kale kuwaasoo aadan aqoon, adiga iyo awowayaashaa toona,

7. ee ah ilaahyada dadyowga hareerihiinna ku wareegsan ha ahaadeen kuwa kuu dhow ama kuwa kaa fog ee jooga dunida geesteed iyo xataa tan iyo geesteeda kale,

8. kaas waa inaadan la heshiin, oo isaga ha dhegaysan, hana u nixin, hana u tudhin, hana qarin isaga,

Sharciga Kunoqoshadiisa 13