8. Rabbigu waa ku kor saaray reer Saa'uul dhiiggoodii oo dhan, Saa'uulkaasoo aad meeshiisii xukumayso; oo Rabbigu boqortooyadii gacantuu u geliyey wiilkaaga Absaaloom; oo bal eeg, adiga belaayadaadii baa kula tagtaye, maxaa yeelay, waxaad tahay nin dhiig qaba.
9. Markaasaa Abiishay oo ay Seruuyaah dhashay wuxuu boqorkii ku yidhi, War eeygan dhintay muxuu kuu habaarayaa, boqorow, sayidkaygiiyow? Waan ku baryayaaye, i daa intaan u tago aan madaxa ka gooyee.
10. Kolkaasaa boqorkii wuxuu yidhi, Kuwiinna ay Seruuyaah dhashayow, bal maxaa inoo dhexeeya? Hadduu habaartamay, oo Rabbigu ku yidhi, Daa'uud soo habaar, bal yaa ninkan ku odhan kara, War maxaad saas u yeeshay?
11. Daa'uudna wuxuu ku yidhi Abiishay, iyo addoommadiisii oo dhanba, Bal eega, wiilkaygii iga soo baxay ayaa doonaya inuu nafta iga qaado; haddaba intee in ka badan ayaa ninkan reer Benyaamiin igu samaynayaa? Haddaba ninkan iska daaya, ha iska habaartamee; waayo, Rabbigaa saas ku amray.
12. Mindhaa Rabbigu intuu dhibaatadayda eego ayuu wanaag iigu beddeli doonaa habaarkuu maanta igu habaaray.
13. Sidaas daraaddeed Daa'uud iyo raggiisiiba jidkii bay mareen, Shimciina wuxuu maray buurtii agtiisa ahayd dhinaceeda, oo intuu sii socdayna Daa'uud buu habaarayay, oo dhagxan ku tuurayay, ciidna wuu ku soo saydhayay.
14. Oo boqorkii iyo dadkii isaga la jiray oo dhammu waxay yimaadeen iyagoo daalay; halkaasuuna ku nastay.
15. Markaasaa Absaaloom iyo dadkii reer binu Israa'iil oo dhammu Yeruusaalem yimaadeen, iyagoo uu Axiitofel la socdo.
16. Oo kolkii Xuushay kii reer Arkii oo Daa'uud saaxiibkiis ahaa uu Absaaloom u yimid ayaa Xuushay Absaaloom ku yidhi, Boqorku ha noolaado, boqorku ha noolaado.
17. Markaasaa Absaaloom wuxuu Xuushay ku yidhi, Ma sidatanaad ugu roonaanaysaa saaxiibka? Maxaadse saaxiibkaa u raaci weyday?
18. Xuushayna wuxuu Absaaloom ku yidhi, Saas ma aha; laakiinse kii Rabbiga, iyo dadkan, iyo reer binu Israa'iil oo dhammu doorteen ayaa i lahaanaya, oo isagaan la joogayaa.
19. Oo haddana, bal yaan u adeegaa? Sow wiilkiisa ma aha? Sidaan aabbahaa ugu adeegi jiray oo kale ayaan haatanna adiga kuugu adeegayaa.
20. Markaasaa Absaaloom wuxuu Axiitofel ku yidhi, Bal ka tali waxaan samayn lahayn.
21. Oo Axiitofelna wuxuu Absaaloom ku yidhi, Waxaad u tagtaa naagaha addoommaha ah ee aabbahaa, ee uu uga tegey inay guriga dhawraan; oo reer binu Israa'iil oo dhammuna waxay maqli doonaan in aabbahaa ku karahsaday; dabadeedna inta kula jirta oo dhan gacmahoodu way xoogaysan doonaan.
22. Sidaas daraaddeed Absaaloom teendhay uga dhiseen guriga dushiisa, oo Absaaloomna wuxuu u tegey naagihii addoommaha ahaa ee aabbihiis, iyadoo ay reer binu Israa'iil oo dhammu u jeedeen.