Samuu'eel Kowaad 20:35-42 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

35. Oo subaxdii dambe ayuu Yoonaataan duurka tegey wakhtigii uu Daa'uud la ballamay isagoo wata wiil yar.

36. Markaasuu wiilkii yaraa ku yidhi, Orod hadda oo soo doondoon fallaadhaha aan ganayo. Oo intii yarkii sii ordayay ayuu fallaadh shishadiisa ku ganay.

37. Oo yarkii markuu yimid meeshii Yoonaataan fallaadhii ku soo ganay ayaa Yoonaataan ka soo daba qayliyey yarkii, oo ku yidhi, War sow fallaadhii kaama sii shishayso?

38. Oo haddana Yoonaataan wuxuu ka soo daba dhawaaqay wiilkii oo ku yidhi, War dheeree oo dhaqso oo ha joogsan. Markaasaa Yoonaataan yarkiisii soo ururiyey fallaadhihii oo sayidkiisii u yimid.

39. Laakiin yarku waxba ma ogayn, Yoonaataan iyo Daa'uud keliya ayaase xaalka ogaa.

40. Markaasaa Yoonaataan hubkiisii yarkii u dhiibay, oo ku yidhi, Tag, oo magaaladii gee.

41. Oo isla markiiba kolkii yarkii tegey ayaa Daa'uud ka soo baxay meel Yoonaataan xagga koonfureed ka ahayd, markaasuu wejiga dhulka ku dhuftay oo saddex jeer sujuuday, wayna isdhunkadeen oo isla ooyeen ilaa Daa'uud sii badiyey.

42. Markaasaa Yoonaataan wuxuu Daa'uud ku yidhi, Nabad ku tag, maxaa yeelay, labadeennuba waxaynu isugu dhaarannay magaca Rabbiga, innagoo leh, Rabbigu ha inoo dhexeeyo aniga iyo adiga, iyo farcankayga iyo farcankaaga weligiisba. Markaasaa Daa'uud kacay oo tegey, oo Yoonaataanna magaaladuu galay.

Samuu'eel Kowaad 20