Ishacyaah 63:15-18 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

15. Bal samada wax ka soo fiiri, oo bal rugtaada quduusnimada iyo ammaanta leh wax ka soo arag. Meeyey qiiradaadii iyo xooggaagii? Jacaylkii iyo raxmaddii aad ii qabtay way iga joogsadeen.

16. In kastoo Ibraahim aanu na garan oo reer binu Israa'iilna ayan na aqoonsan adigu waxaad tahay aabbahayaga. Rabbiyow, waxaad tahay aabbahayaga, oo magacaaguna weligiisba waa Bixiyahayaga.

17. Rabbiyow, bal maxaad nooga dhigtay inaannu jidkaaga ka qaldanno, maxaadse qalbigayaga u qallafisay si aannan kaaga cabsan? U soo noqo addoommadaada aawadood iyo qabiilooyinkii dhaxalkaaga aawadood?

18. Wakhti yar keliya ayaa dadkaagii quduusanaa dalkii hanti ahaan u haysteen. Cadaawayaashayadii ayaa meeshaadii quduuska ahayd ku tuntay.

Ishacyaah 63