8. Idinku ma aydaan maqlin, oo ma aydaan aqoon, oo dhegtiinnana waa hore ma furmin, waayo, waan ogaa inaad si khiyaano badan u macaamilooteen, iyo in laydiin bixiyey Xadgudbayaal tan iyo intaad uurka hooyadiin kasoo baxdeen.
9. Magacayga aawadiis ayaan idiinka joogsan doonaa ammaantayda daraaddeed.
10. Bal eega, waan idin safeeyey, laakiinse sida lacagta ma aha. Oo waxaan idinku tijaabiyey foornadii dhibaatada.
11. Anigu aawaday, iyo xataa nafsaddayda qudheeda, ayaan waxan u samayn doonaa, waayo, magacayga bal side baa loo nijaasayn karaa? Ammaantayda mid kale siin maayo!
12. Reer Yacquub oo ah Israa'iilkii aan u yeedhayow, bal i maqla, anigu waxaan ahay isagii, waxaan ahay kii ugu horreeyey iyo weliba kan ugu dambeeya.
13. Gacantayda ayaa aasaaska dhulka dhigtay, oo samooyinkana waxaa kala fidisay midigtayda, oo markaan u yeedho ayay dhammaantood soo wada istaagaan.
14. Kulligiin soo wada shira oo waxan maqla. Bal yaa iyaga ka mid ah oo waxyaalahan sii sheegay? Kan Rabbigu jecel yahay wuxuu Baabuloon ku samayn doonaa siduu doonayo oo gacantiisu waxay kor saarnaan doontaa reer Kaldayiin.
15. Aniga qudhayda ayaa sidaas ku hadlay, oo isagaan u yeedhay oo keenay, oo jidkiisuu ku barwaaqoobi doonaa.