Ishacyaah 40:7-17 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

7. Cawsku wuu engegaa, ubaxuna wuu dhacaa, maxaa yeelay, neefta Rabbigu way afuuftaa, sida xaqiiqada ah dadku waa caws oo kale.

8. Cawsku wuu engegaa, ubaxuna wuu dhacaa, laakiinse erayga Ilaaheennu weligiisba wuu waari doonaa.

9. Kaaga warka wanaagsan Siyoon u keenayow, buurta dheer kor u sii fuul, kaaga warka wanaagsan Yeruusaalem keenayow, codkaaga kor xoog ugu qaad, kor u sii qaad, oo innaba ha cabsan. Oo magaalooyinka dalka Yahuudah waxaad ku tidhaahdaa, War bal Ilaahiinna eega!

10. Bal eega, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu la iman doonaa xoog weyn, oo gacantiisaa wax isaga ugu talin doonta! Bal eega, abaalgudkiisii wuu wadaa oo abaalmarintiisuna way ka soo horraysaa.

11. Isagu adhigiisuu u daajin doonaa sida adhijir oo kale, naylahana gacantiisuu ku ururin doonaa, oo wuxuu ku qaadi doonaa laabtiisa, oo kuwa la nuugana qunyar buu u hor kici doonaa.

12. Bal yaa biyaha sacabkiisa godan ku qiyaasay, oo samada taako ku qiyaasay, oo ciidda dhulka miisaan ku qiyaasay, oo buuraha miisaammo saaray, oo kurahana kafado ku miisaamay?

13. Bal yaa Ruuxa Rabbiga la taliyey? Bal yaase intuu lataliyihiisii noqday isaga wax baray?

14. Bal yuu isagu la tashaday? Oo bal yaa tacliimiyey, oo dhabbaha caddaaladda baray? Oo yaa aqoon baray, oo jidka waxgarashada tusay?

15. Bal eega, quruumuhu waxay isaga la yihiin sida dhibic biyeed oo baaldi ku jirta oo kale, oo wuxuu ku xisaabaa sida boodh kafado dul saaran oo kale, oo bal eega, gasiiradahana wuxuu kor ugu qaadaa sida habaas fudud oo kale.

16. Oo Lubnaan in la gubo kuma filla, oo xayawaankeedana qurbaan la gubo uguma filla.

17. Quruumaha oo dhammu waxay hortiisa ku yihiin sida wax aan jirin oo kale, oo waxay isaga la xisaabsan yihiin wax ka sii yar baabba' iyo waxaan waxba ahayn.

Ishacyaah 40