8. Oo waxaa halkaas jiri doona jid weyn, oo waxaa jidka loo bixin doonaa Jidkii Quduusnimada, kuwa aan daahirsanaynuna ma mari doonaan, laakiinse waxaa leh kuwa isaga jidka la socda, oo xataa nacasyaduna kuma qaldami doonaan.
9. Oo halkaas libaax ma jiri doono, oo bahal dugaag ahuna ma mari doono, oo innaba iyaga halkaas lagama heli doono, laakiinse waxaa jidkaas mari doona kuwa la soo furtay.
10. Oo kuwii Rabbigu soo madaxfurtayna way soo noqon doonaan, oo iyagoo gabyaya oo weligoodba aad u faraxsan ayay Siyoon iman doonaan, oo waxay heli doonaan farxad iyo rayrayn, oo caloolxumo iyo taahiduna way iska dhammaan doonaan.