22. Markaasay waxay ku yidhaahdeen, Korneeliyos oo boqol askari u taliya oo nin xaqa ah, Ilaahna ka cabsada, oo quruunta Yuhuudda oo dhammuna wanaaggiisa u markhaati furto, waxaa u digay isaga malaa'ig quduus ah inuu gurigiisa kuugu yeedho, hadallona kaa maqlo.
23. Sidaas aawadeed ayuu gudaha ugu yeedhay oo marti geliyey. Maalintii dambe ayuu kacay oo iyagii la baxay, walaalihii Yaafaa joogana qaarkood ayaa raacay isagii.
24. Maalintii dambe waxay soo galeen Kaysariya. Korneeliyosna iyaguu sugayay isagoo isugu yeedhay xigtadiisii iyo saaxiibbadiisii u dhowaa.
25. Markuu Butros soo galay, ayaa Korneeliyos ka hor yimid, lugihiisana ku dhacay, waana caabuday.
26. Laakiin Butros baa kiciyey oo ku yidhi, Istaag; aniga qudhayduba nin baan ahay.
27. Oo intuu isagii la hadlayay, ayuu soo galay, oo wuxuuna arkay kuwo badan oo isu yimid;
28. markaasuu ku yidhi iyagii, Idinka qudhiinnu waa og tihiin inay xaaraan u tahay nin Yahuudi ah inuu ku darmado ama u dhowaado nin quruun kale ah; hase ahaatee Ilaah baa i tusay inaanan ninna ku sheegin nin xaaraan ah ama aan nadiif ahayn;
29. sidaas aawadeed, markii la ii yeedhay, waxaan imid diididla'aan. Saas darteed waxaan idin weyddiinayaa sababtii aad iigu soo yeedheen.
30. Markaasaa Korneeliyos wuxuu ku yidhi, Afar maalmood oo hore, saacaddan oo kale, ayaan joogay anoo gurigayga saacaddii sagaalaad ku tukanaya; oo bal eeg waxaa i hor istaagay nin qaba dhar dhalaalaya,
31. oo wuxuu yidhi, Korneeliyosow, baryadaadii waa la maqlay, sadaqooyinkaagiina Ilaah hortiisa waa laga xusuustay.
32. Sidaas darteed Yaafaa cid u dir oo u yeedho Simoon, kan Butros la yidhaahdo. Wuxuu marti ku yahay guriga Simoon megdeeye oo badda dhinaceeda yaal.
33. Sidaas darteed markiiba cid baan kuu soo diray; oo si wanaagsan baadna u samaysay inaad timid. Haddaba sidaa darteed dhammaantayo halkan waa wada joognaa Ilaah hortiisa, inaannu maqalno waxyaalihii Rabbigu kugu amray oo dhan.