15. oo waxay ku tidhi, Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Waxaad ninkii ii soo kiin diray ku tidhaahdaan,
16. Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal eeg, belaayaan ku soo dejin doonaa meeshan iyo dadka degganba, taasoo ah kulli erayadii ku yiil kitaabkii boqorka dalka Yahuudah akhriyey oo dhan,
17. maxaa yeelay, iyagu way iga tageen, oo waxay foox u shideen ilaahyo kale inay igaga xanaajiyaan shuqulka gacmahooda oo dhan; oo sidaas daraaddeed cadhadaydu waxay ku kululaanaysaa meeshan, mana qaboobi doonto.
18. Laakiinse boqorkii dalka Yahuudah oo idiin soo diray inaad Rabbiga wax soo weyddiisaan waxaad ku tidhaahdaan, Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu ka leeyahay waxa ku saabsan erayadii aad maqashay:
19. Qalbigaagu wuu jilicsanaa oo Rabbiga hortiisa ayaad isku hoosaysiisay markaad maqashay wixii aan kaga hadlay meeshan iyo dadka degganba, iyo inay iyagu noqon doonaan cidla iyo inkaar, oo waad igu hor ooyday, dharkaagiina waad jeexjeexday, oo sidaas daraaddeed waan ku maqlay, ayaa Rabbigu leeyahay.
20. Haddaba waxaan kula ururin doonaa awowayaashaa, oo qabrigaaga nabad baad ugu ururi doontaa, oo indhahaaguna ma ay arki doonaan kulli belaayada aan meeshan ku soo dejin doono. Oo iyana boqorkii ayay mar kale u war keeneen.