1. Yoosiyaah markuu boqor noqday wuxuu jiray siddeed sannadood, oo Yeruusaalemna boqor buu ka ahaa kow iyo soddon sannadood. Oo hooyadiis magaceeduna wuxuu ahaa Yediidaah ina Cadaayaah oo reer Bosqad ahaa.
2. Oo isagu wuxuu sameeyey wixii Rabbiga hortiisa ku qummanaa, wuuna ku socday jidkii awowgiis Daa'uud maray oo dhan, ugamana uu leexan xagga midigta iyo xagga bidixda toona.
3. Oo Boqor Yoosiyaah sannaddiisii siddeed iyo tobnaad wuxuu Shaafaan ina Asalyaah oo ahaa ina Meshullaam oo karraanigii ahaa u diray gurigii Rabbiga, oo wuxuu ku yidhi,
4. Orod oo waxaad u tagtaa Xilqiyaah oo ah wadaadka sare, oo isagu ha xisaabo lacagta guriga Rabbiga la soo geliyey oo irid-dhawrayaashu ay dadka ka soo ururiyeen.
5. Oo iyagu ha u dhiibeen shaqaalaha guriga Rabbiga u taliya, oo si meelaha guriga ka jajabay loo dhiso iyana ha u dhiibeen shaqaalaha guriga Rabbiga ku jira,
6. kuwaasoo ah nijaarrada, iyo waxdhisayaasha, iyo wastaadyada, oo ha ku soo iibiyeen alwaax iyo dhagaxyo la qoray oo guriga lagu dhiso.
7. Habase yeeshee lama xisaabin lacagtii iyaga loo dhiibay, maxaa yeelay, waxay ahaayeen kuwa la aaminay.
8. Markaasaa Xilqiyaah oo ahaa wadaadkii sare wuxuu ku yidhi Shaafaan oo karraanigii ahaa, Waxaan guriga Rabbiga ka dhex helay Kitaabkii Sharciga. Oo Xilqiyaah kitaabkii buu u dhiibay Shaafaan, oo isna wuu akhriyey.
9. Markaasaa Shaafaan oo karraanigii ahaa boqorkii u yimid, wuuna u soo warramay oo ku yidhi, Addoommadaadii lacagtii guriga Rabbiga laga dhex helay way soo ururiyeen, oo waxay u dhiibeen shaqaalaha guriga Rabbiga u taliya.
10. Oo Shaafaan oo karraanigii ahaa ayaa boqorkii u sheegay oo ku yidhi, Wadaadkii Xilqiyaah ahaa wuxuu ii dhiibay kitaab. Markaasaa Shaafaan kitaabkii ku akhriyey boqorka hortiisii.
11. Oo markii boqorkii maqlay erayadii kitaabkii sharciga ayuu dharkiisii jeexjeexay.
12. Markaasaa boqorkii amray wadaadkii Xilqiyaah ahaa, iyo Axiiqaam ina Shaafaan, iyo Cakhboor ina Miikaayaah, iyo Shaafaan oo ahaa karraanigii, iyo Casaayaah oo ahaa midiidinkii boqorka, oo wuxuu ku yidhi,
13. War taga oo aniga iyo dadka iyo reer Yahuudah oo dhan Rabbiga inoo soo weyddiiya waxa ku saabsan erayada kitaabkan la helay, waayo, cadhada Rabbiga oo uu inoo cadhooday way weyn tahay, maxaa yeelay, awowayaasheen ma ay dhegaysan erayada kitaabkan inay yeelaan kulli waxyaalaha inagu saabsan ee ku qoran.
14. Markaasaa wadaadkii Xilqiyaah ahaa, iyo Axiiqaam, iyo Cakhboor, iyo Shaafaan, iyo Casaayaah waxay u tageen nebiyaddii Xuldaah ahayd oo u dhaxday Shalluum ina Tiqwaah oo ahaa ina Xarxas, kaasoo ahaa kii dharka dhawri jiray. (Haddaba iyadu waxay degganayd Yeruusaalem xaafaddeeda labaad.) Markaasay iyadii la hadleen,