Yooxanaa 19:40-42 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

40. Haddaba waxay qaadeen meydkii Ciise oo ku duudduubeen maryo iyo dhir udgoon siday caadada aasniinta Yuhuuddu ahayd.

41. Meeshii isaga iskutallaabta lagu qodbay waxaa ku tiil beer, beerta dhexdeedana waxaa ku tiil xabaal cusub oo aan ninna weli la dhigin.

42. Haddaba Maalintii Diyaargarayska oo Yuhuudda aawadeed ayay meeshaas Ciise u dhigeen, waayo, xabaashii waa dhowayd.

Yooxanaa 19