Yooxanaa 19:1-4 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

1. Markaasaa Bilaatos haddaba Ciise watay oo karbaashay,

2. askartiina taaj ayay qodxan uga taxeen, oo madaxiisay saareen, oo waxay u geliyeen dhar guduudan.

3. Markaasay u yimaadeen oo ku yidhaahdeen, Nabad Boqorka Yuhuuddow, wayna dharbaaxeen.

4. Bilaatos haddana dibadduu u baxay oo ku yidhi iyaga, Eega, isagaan idiin soo bixinayaa inaad ogaataan inaanan eed ku helin.

Yooxanaa 19