Yooxanaa 11:1-8 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

1. Waxaa jiray nin buka oo ah Laasaros reer Beytaniya ee joogay tuulada Maryan iyo walaasheed Maarta.

2. Maryantaasu waxay ahayd tii Rabbiga cadar marisay oo cagihiisa timaheeda ku tirtirtay, oo walaalkeed Laasaros bukay.

3. Sidaa aawadeed walaalihii farriin bay Rabbiga u direen iyagoo leh, Sayidow, ogow, kii aad jeclayd waa bukaaye.

4. Laakiin Ciise markuu taas maqlay wuxuu yidhi, Bukaankanu kan dhimashada ma ahaa, laakiin waa ammaanta Ilaah aawadeed in Wiilka Ilaah lagu ammaano.

5. Ciise ayaa jeclaa Maarta iyo walaasheed iyo Laasaros.

6. Sidaa aawadeed markuu maqlay inuu buko, laba maalmood oo kale ayuu meeshuu joogay iska sii joogay.

7. Markaas dabadeed ayuu xertii ku yidhi, Yahuudiya aan haddana tagno.

8. Xertii waxay ku yidhaahdeen, Macallimow, Yuhuuddu waxay haddana doonayeen inay ku dhagxiyaan, ma waxaad mar kale u kacaysaa meeshaas?

Yooxanaa 11