6. Oo waxaan dab ku soo dayn doonaa Maajuuj iyo kuwa gasiiradaha ammaanka isaga degganba, oo iyagu waxay ogaan doonaan inaan anigu Rabbiga ahay.
7. Oo waxaan ka dhigi doonaa in magacayga quduuska ah dadkayga reer binu Israa'iil dhexdooda lagu ogaado, oo iyaga uma aan dayn doono inay magacayga mar dambe nijaaseeyaan, oo quruumuhuna waxay ogaan doonaan inaan anigu ahay Rabbiga ah Kan Quduuska ah oo reer binu Israa'iil.
8. Bal eega, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Wuu imanayaa oo wuu ahaan doonaa, kaasu waa wakhtigii aan ka sii hadlay.
9. Oo kuwa magaalooyinka reer binu Israa'iil degganu way soo bixi doonaan, oo waxay dab ku shidan doonaan oo ay gubi doonaan hubka dagaalka, kuwaasoo ah gaashaammada yaryar iyo gaashaammada waaweynba, iyo qaansooyinka iyo fallaadhaha, iyo budhadhka iyo warmaha, oo intii toddoba sannadood ah ayay dab ku shidan doonaan.
10. Sidaas daraaddeed iyagu duurka qoryo kama ay soo guran doonaan, oo kayntana waxba kama ay soo goosan doonaan, waayo, waxay dab ku shidan doonaan hubka dagaalka, oo waxay boobi doonaan kuwii iyaga boobay, wayna dhici doonaan kuwii iyaga dhacay, ayaa Sayidka Rabbiga ahu leeyahay.
11. Oo wakhtigaas waxaan Juuj meel lagu aaso ka siin doonaa dalka reer binu Israa'iil, taasoo ah dooxada badda dhankeeda bari loo maro, oo taasuna way joojin doontaa socotooyinka mara. Oo halkaasaa lagu aasi doonaa Juuj iyo dadkiisa faraha badan oo dhan, oo waxaa loo bixin doonaa dooxadii Hamoonjuuj.
12. Oo intii toddoba bilood ah ayaa reer binu Israa'iil iyaga aasi doonaan, si ay dalka u nadiifiyaan aawadeed.
13. Oo waxaa iyaga wada aasi doona dadka dalka deggan oo dhan, oo wakhtiga lay ammaani doono ayaa taasu sharaf iyaga u noqon doontaa, ayaa Sayidka Rabbiga ahu leeyahay.
14. Oo waxay gooni ahaan u sooci doonaan rag had iyo goorba dalka dhex mara inay meydadka dhulka ku hadhay aasaan, si ay dalka u nadiifiyaan, oo toddoba bilood dabadeed ayay wax baadhi doonaan.
15. Oo dalkay dhex marayaan oo markii qof dad lafihiis arko, wuxuu ka ag taagi doonaa calaamad, ilamaa kuwa wax aasaa ay dooxada Hamoonjuuj ku dhex aasaan.