21. Oo sidaas ayaad u soo xusuusatay sharkii yaraantaada markay Masriyiintu ibihii naasahaaga ee yaraantaada nabarayn jireen.
22. Sidaas daraaddeed Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Aaholiibaahay, bal ogow, kuwii ku caashaqi jiray ayaan kugu soo kicin doonaa, kuwaasoo ay naftaadu ka go'day, oo iyagaan dhinac kasta kaaga soo dayn doonaa,
23. kuwaasoo ah reer Baabuloon, iyo reer Kaldayiin oo dhan, iyo Feqood, iyo Shooca, iyo Qooca, iyo reer Ashuur oo dhan oo iyaga la jira, oo kulligood ah rag dhallinyaro ah oo suurad wacan oo ah saraakiil iyo taliyayaal, iyo amiirro, iyo rag caan ah, oo kulligood fardo fuushan.
24. Oo waxay kugula soo duuli doonaan hub iyo gaadhifardood iyo giraangiro iyo guuto dad, oo hareerahaaga oo dhan ayay kaaga soo kici doonaan iyagoo wata gaashaan weyn, iyo gaashaan yar, iyo koofiyad bir ah, oo waxaan iyaga u dhiibi doonaa xukun, oo waxay kuu xukumi doonaan sida ay xukummadoodu yihiin.
25. Oo waxaan kugu soo dayn doonaa xanaaqayga masayrka ah, oo iyaguna cadho bay kugula macaamiloon doonaan. Waxay kaa gooyn doonaan sanka iyo dhegaha, oo intii kaa hadhaana seef bay ku dhici doontaa. Waxayna kaxaysan doonaan wiilashaada iyo gabdhahaagaba, oo intii kaa hadhana dab baa baabbi'in doona.
26. Oo weliba dharkaaga way kaa wada muruxsan doonaan, oo jowharadahaaga qurxoonna way kaa furan doonaan.
27. Oo sidaasaan kaaga joojin doonaa sharkaagii iyo dhillanimadaadii aad dalka Masar ka keentay, si aadan indhahaaga kor ugu taagin, oo aadan Masar kol dambe soo xusuusan.
28. Waayo, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Bal eeg, waxaan kugu ridi doonaa gacantii kuwa aad neceb tahay, iyo gacantii kuwii ay nafsaddaadu ka go'day.
29. Iyagu si nacayb badan ayay kugula macaamiloon doonaan, oo wixii aad ku hawshootay oo dhanna way kaa qaadan doonaan, oo waxay kaa tegi doonaan adigoo qaawan oo aan dednayn. Oo cawradii dhillanimadaadana daahaa laga qaadi doonaa, xataa sharkaaga iyo dhillanimadaadaba.
30. Waxyaalahaas waa lagugu samayn doonaa, maxaa yeelay, dhillanimo baad quruumaha la daba gashay, oo sanamyadooda waad ku nijaasowday.
31. Waxaad qaadday jidkii walaashaa, oo sidaas daraaddeed koobkeedii gacantaan kuu gelin doonaa.
32. Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Waxaad cabbi doontaa walaashaa koobkeedii dheeraa oo weynaa, oo fudaydsasho baa laguugu qosli doonaa oo waa lagu quudhsan doonaa, waayo, wuu buuxaa.
33. Aad baad u sakhraami doontaa oo murug baa kaa buuxsami doonta, oo waxaad ku cabbi doontaa koobkii yaabka iyo baabba'da, kaasoo ah koobkii walaashaa Samaariya.
34. Waad cabbi doontaa, oo weliba waad heenheensan doontaa, oo burburkiisana waad ruugi doontaa, oo naasahaagaad jiidi doontaa, waayo, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Aniga ayaa saas ku hadlay.