Yeremyaah 23:1-10 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

1. Rabbigu wuxuu leeyahay, Waxaa iska hoogay adhijirrada idihii daaqsintayda baabbi'iya oo kala firdhiya!

2. Sidaas daraaddeed Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu ka leeyahay adhijirrada dadkayga daajiya, Adhigaygii waad kala firdhiseen, waadna kala erideen, oo soomana aydnaan ilaalin. Bal eega, waxaan idiin ciqaabi doonaa sharkii falimihiinna, ayaa Rabbigu leeyahay.

3. Oo intii adhigayga ka hadhayna waxaan ka soo wada ururin doonaa waddammadii aan u kexeeyey oo dhan, waanan ku soo celin doonaa xeryahoodii, oo wax badan way dhali doonaan, wayna tarmi doonaan.

4. Oo waxaan iyaga u yeeli doonaa adhijirro daajiya, oo mar dambe ma ay baqi doonaan, mana ay nixi doonaan, oo innaba midna kama dhimmanaan doono.

5. Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal eega, waxaa soo socda wakhti aan Daa'uud u kicin doono biqil xaq ah, oo boqor ayuu ahaan doonaa, wuuna liibaani doonaa, oo wuxuu dhulka ku samayn doonaa caddaalad iyo xaqnimo.

6. Oo wakhtigiisa dadka Yahuudah way badbaadi doonaan, oo dadka Israa'iilna ammaan bay ku degganaan doonaan, oo magiciisa lagu magacaabi doonona waa Rabbiga Xaqnimadayada ah.

7. Sidaas daraaddeed Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal ogaada, waxaa soo socda wakhti aan mar dambe la odhan doonin, Waxaa nool Rabbigii reer binu Israa'iil dalkii Masar ka soo bixiyey.

8. Laakiinse waxaa la odhan doonaa, Waxaa nool Rabbigii farcankii reer binu Israa'iil ka soo bixiyey oo ka soo hor kacay dalkii woqooyi, iyo dalalkii uu u kexeeyey oo dhan, oo iyana waxay degganaan doonaan dalkooda.

9. Qalbigaygii uurkayguu ku qarracmay waana nebiyada daraaddood, lafahayga oo dhammu way wada ruxmadaan, oo waxaan la mid ahay nin sakhraan ah oo khamri ka adkaaday, waana Rabbiga iyo erayadiisa quduuska ah daraaddood.

10. Dalka waxaa ka buuxa dhillayo, oo habaar daraaddiis ayaa dalkii la barooranayaa. Daaqsimihii duurku way wada engegeen. Socodkoodu waa shar oo xooggooduna ma qummana.

Yeremyaah 23