15. Markaasaa Yashuuca iyo reer binu Israa'iil oo dhammu waxay iska dhigeen sidii iyagoo laga adkaaday, oo waxay ku carareen xaggii jidka cidlada.
16. Markaasaa dadkii magaalada joogay oo dhan waxaa loogu wada yeedhay inay eryadaan reer binu Israa'iil, oo intay Yashuuca eryanayeen ayaa iyagii laga fogeeyey magaaladii.
17. Oo nin keliyahu kuma hadhin Aacii iyo Beytel toona, oo aan daba gelin reer binu Israa'iil; oo magaaladii oo furan bay ka tageen, oo waxay eryadeen reer binu Israa'iil.
18. Markaasaa Rabbigu wuxuu Yashuuca ku yidhi, Waranka gacantaada ku jira xagga Aacii ku taag, waayo, adigaan gacanta kuu gelin doonaa Aacii. Markaasaa Yashuuca warankii gacantiisa ku jiray wuxuu ku taagay xaggii magaalada.
19. Markaasaa haddiiba raggii gaadmada u qarsoonaa ka soo bexeen meeshoodii ay ku jireen, oo markuu gacanta taagay ayay haddiiba soo ordeen, oo waxay galeen magaaladii, wayna qabsadeen; oo intay dhaqsadeen ayay magaaladii dab qabadsiiyeen.
20. Oo dadkii reer Aacii markay dib u eegeen ayay waxay arkeen qiiqii magaalada oo samada kor ugu baxaya, oo mana ay lahayn xoog ay ugu cararaan xaggan ama xaggaa; oo dadkii u cararay xagga cidlada waxay dib ugu soo jeesteen raacdadii daba joogtay.
21. Oo markii Yashuuca iyo reer binu Israa'iil oo dhammu arkeen in raggii gaadmada ahaa ay magaaladii qabsadeen, iyo in magaalada qiiqeedii kor u baxay, ayay dib u soo noqdeen, oo waxay laayeen dadkii reer Aacii.
22. Oo kuwii kalena waxay iyaga kaga soo bexeen magaaladii, sidaas daraaddeed waxay ku dhex jireen reer binu Israa'iil, iyadoo qaarna dhinacan ka xigo, qaarna dhinacaas ka xigo; oo way wada laayeen, oo midna kama reebin, qofna kama baxsan.
23. Oo boqorkii Aacii isagoo nool bay qabteen, oo waxay u keeneen Yashuuca.
24. Oo markii reer binu Israa'iil dhammeeyeen oo ay dadkii Aacii degganaan jiray ku wada laayeen duurkii, iyo cidladii ay u eryadeen, oo ay seef ku wada le'deen ilaa ay wada baabbe'een, ayaa reer binu Israa'iil oo dhammu waxay ku soo noqdeen Aacii xaggeedii, oo waxay ku laayeen seef.
25. Oo intii maalintaas le'atay rag iyo dumarba waxay ahaayeen laba iyo toban kun, oo intaasuna waxay ahayd dadkii reer Aacii oo dhan.
26. Waayo, Yashuuca gacantii uu waranka ku taagay dib uma celin ilaa uu wada baabbi'iyey dadkii Aacii degganaa oo dhan.
27. Oo reer binu Israa'iil waxay keliyahoo dheceen xoolihii iyo alaabtii magaalada, sidii erayga Rabbiga uu Yashuuca ku amray ahaa.
28. Sidaasaa Yashuuca u gubay Aacii, oo wuxuu ka dhigay tuulmo cidla weligeed ah ilaa maantadan la joogo.
29. Oo boqorkii Aaciina geed buu ka soo deldelay, oo wuxuu sudhnaa ilaa makhribkii, oo qorraxdhicii ayaa Yashuuca amray, markaasay meydkiisii geedkii ka soo dejiyeen, oo waxay ku tuureen iridda magaalada laga soo galo, oo waxay ku tuuleen dhagaxyo badan oo jira ilaa maantadan.
30. Markaasaa Yashuuca wuxuu Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil Buur Ceebaal uga dhisay meel allabari,
31. sidii addoonkii Rabbiga oo Muuse ahaa reer binu Israa'iil ugu amray, iyo sida ku qoran kitaabkii sharciga Muuse, oo waxay ahayd meel allabari oo ah dhagaxyo aan la qorin oo aan ninna bir u qaadin; oo waxay Rabbiga ugu kor bixiyeen qurbaanno la gubo, iyo qurbaanno nabaadiino.
32. Oo wuxuu dhagaxyadii ku qoray naqil sharcigii Muuse ah oo uu ku qoray reer binu Israa'iil hortooda.