Tirintii 10:34-36 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

34. Markay xerada ka bexeen ayaa daruurtii Rabbigu maalinnimada oo dhan dul joogtay.

35. Oo kolkii sanduuqii hore u baxay ayaa Muuse yidhi, Rabbiyow, sara joogso, oo cadaawayaashaadu ha kala firdheen, oo kuwa ku necebuna hortaada ha ka carareen.

36. Oo markuu joogsadayna wuxuu yidhi, Rabbiyow, ku soo noqo kumanyaalka kun ee reer binu Israa'iil.

Tirintii 10