Taariikhdii Labaad 10:11-13 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

11. Haddaba meeshii aabbahay harqood culus idinka saaray, anna culays baan idiinku sii darayaa, oo aabbahay wuxuu idinku edbin jiray shaabuugyo, laakiinse anigu waxaan idinku edbinayaa hangarallayaal.

12. Sidaas daraaddeed Yaaraabcaam iyo dadkii oo dhammuba maalintii saddexaad ayay Rexabcaam u yimaadeen siduu boqorku hore ugu amray markuu ku yidhi, Maalinta saddexaad igu soo noqda.

13. Markaasaa Boqor Rexabcaam ka tegey taladii raggii odayaasha ahaa, oo si qallafsan ayuu ugu jawaabay,

Taariikhdii Labaad 10