26. waayo, afarta iridjooge oo sare oo ahaa reer Laawi waxay ku jireen jagooyin joogto ah, oo waxay u talin jireen qolalka, iyo khasnadihii guriga Ilaah.
27. Oo iyagu waxay u hoyan jireen guriga Ilaah hareerihiisa, maxaa yeelay, ilaalinta gurigu iyagay saarnayd, oo waxaa iyaga joogto u ahaa inay subax kasta furaan.
28. Oo iyaga qaarkoodna waxay u talin jireen weelasha lagu adeego, waayo, weelasha tiraa lagu soo gelin jiray, oo tiraa lagu bixin jiray.
29. Oo iyaga qaarkood kalena waxaa loo doortay inay u taliyaan alaabta guriga iyo weelasha meesha quduuska ah oo dhan, iyo burka, iyo khamriga, iyo saliidda, iyo fooxa, iyo uunsiga.
30. Oo wiilashii wadaaddada qaarkoodna waxay hagaajin jireen cadarkii uunsiga lahaa.
31. Oo Matityaah oo ka mid ahaa reer Laawi, oo ahaa curadkii Shalluum oo ahaa reer Qorax shuqulkiisii joogtada ahaa wuxuu ahaa inuu ilaaliyo waxyaalaha digsiyada lagu dubo.
32. Oo walaalahood qaarkood oo reer Qohaad ahaana waxay u talin jireen kibistii tusniinta, si ay sabti kasta u diyaariyaan.
33. Oo kuwanuna waa nimankii gabayaaga ahaa oo ahaa madaxdii qolooyinka reer Laawi, oo waxay joogi jireen qolalka oo hawl kalena ma ay hayn, waayo, iyagu habeen iyo maalinba waxay qabanayeen shuqulkoodii.
34. Kuwaasu waxay ahaayeen madaxdii qolooyinka reer Laawi, oo qarniyadoodii oo dhan waxay ahaayeen rag madax ah, oo waxay degganaan jireen Yeruusaalem.
35. Oo Gibecoonna waxaa degganaa Gibecoon aabbihiis oo la odhan jiray Yecii'eel, oo naagtiisa magaceedana waxaa la odhan jiray Macakaah,
36. iyo curadkiisii Cabdoon ahaa, iyo Suur, iyo Qiish, iyo Bacal, iyo Neer, iyo Naadaab,
37. iyo Gedoor, iyo Axiyoo, iyo Sekaryaah, iyo Miqlood.
38. Miqloodna wuxuu dhalay Shime'aam. Iyana walaalahood ayay la degganaayeen Yeruusaalem meel walaalahood ka soo hor jeedda.
39. Neerna wuxuu dhalay Qiish, Qiishna wuxuu dhalay Saa'uul, Saa'uulna wuxuu dhalay Yoonaataan, iyo Malkiishuuca, iyo Abiinaadaab, iyo Eshbacal.