Taariikhdii Kowaad 7:5-14 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

5. Oo walaalahoodii qolooyinka reer Isaakaar ku dhex jiray oo dhammu waxay ahaayeen rag xoog badan, oo kulligoodna abtiriskooda la tiriyey, oo waxayna ahaayeen toddoba iyo siddeetan kun oo qof.

6. Wiilashii Benyaamiinna waxay ahaayeen Belac, iyo Beker, iyo Yediica'eel, oo ahaa saddex.

7. Wiilashii Belacna waxay ahaayeen Esboon, iyo Cusii, iyo Cusii'eel, iyo Yeriimood, iyo Ciirii, oo ahaa shan, oo reerahoodana madax bay u ahaayeen, rag xoog badan bayna ahaayeen, oo abtiriskoodana waa la tiriyey, oo waxay ahaayeen laba iyo labaatan kun iyo afar iyo soddon nin.

8. Wiilashii Bekerna waxay ahaayeen Semiiraah, iyo Yoo'aash, iyo Eliiceser, iyo Eliyooceenay, iyo Comrii, iyo Yereemood, iyo Abiiyaah, iyo Canaatood, iyo Calemed. Oo intaas oo dhammu waxay wada ahaayeen wiilashii Beker.

9. Oo iyaga sidii abtiriskoodii ahaa waa loo tiriyey iyo sidii ay u kala dhasheen, oo waxay ahaayeen madaxdii reerahooda oo ah rag xoog badan, tiradooduna waxay ahayd labaatan kun iyo laba boqol.

10. Farcankii Yediica'eelna waxay ahaayeen Bilhaan, iyo wiilashii Bilhaan oo ahaa Yecuush iyo Benyaamiin, iyo Eehuud, iyo Kenacanaah, iyo Seetaan, iyo Tarshiish, iyo Axiishaxar.

11. Oo intaas oo dhammu waxay ahaayeen farcankii Yediica'eel sidii ay ahaayeen madaxdii reerahoodu, rag xoog badan bayna ahaayeen, oo intoodii dagaal aawadiis ciidanka u geli kartay waxay ahaayeen toddoba iyo toban kun iyo laba boqol,

12. iyo weliba Shufiim iyo Xufiim oo ahaa wiilashii Ciir, iyo Xushiim oo ahaa ina Axeer.

13. Wiilashii Naftaalina waxay ahaayeen Yaxsii'eel, iyo Guunii, iyo Yeser, iyo Shalluum, oo intaasu waxay ahaayeen wiilashii Bilhah.

14. Wiilashii Manasehna waxay ahaayeen Casrii'eel, oo ay naagtiisii dhashay: (oo naagtiisii addoonta ahaydna waxay u dhashay Maakiir oo ahaa Gilecaad aabbihiis,

Taariikhdii Kowaad 7