Taariikhdii Kowaad 5:23-26 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

23. Oo qabiilkii reer Manaseh badhkoodna dalkay degeen, oo waxay ku kordheen tan iyo Baashaan, iyo ilaa Bacal Xermoon, iyo tan iyo Seniir, iyo ilaa Buur Xermoon.

24. Oo kuwii reerahooda madaxda u ahaana waxay ahaayeen Ceefer, iyo Yishcii, iyo Elii'eel, iyo Casrii'eel, iyo Yeremyaah, iyo Hoodawyaah, iyo Yaxdii'eel, oo intaasu waxay wada ahaayeen rag xoog badan oo magac leh oo reerahooda madax u ah.

25. Oo iyagu waxay ku xadgudbeen Ilaahii awowayaashood, oo sidii naag ninkeedii ka dhillowday ayay raaceen ilaahyadii dadkii dalka degganaa, oo Ilaah hortooda ku baabbi'iyey.

26. Oo markaasaa Ilaah wuxuu kiciyey boqorkii Ashuur ee Fuul ahaa, kaasoo ahaa boqorkii Ashuur oo Tilgad Filneser ahaa, oo isna iyagii buu kaxaystay xataa reer Ruubeen, iyo reer Gaad, iyo qabiilkii reer Manaseh badhkiis, oo wuxuu iyagii geeyey Xalax, iyo Xaaboor, iyo Haaraa, iyo tan iyo webiga Goosaan, oo halkaasay joogaan ilaa maantadan.

Taariikhdii Kowaad 5