Taariikhdii Kowaad 25:7-23 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

7. Oo iyagii iyo walaalahood la jiray ee la baray inay Rabbiga u gabyaan kuwaasoo dhammaan farsamada yiqiin tiradoodu waxay ahayd laba boqol iyo siddeed iyo siddeetan nin.

8. Oo iyana hawshoodii waxay u riteen saami iswada le'eg, oo way isle'ekaysteen, kan ugu yar iyo kan ugu weyn, iyo xataa macallin iyo ardayba, waxba isma dheeraysan.

9. Haddaba saamigii kowaad wuxuu u soo baxay reer Aasaaf oo waxaa helay Yuusuf. Kii labaadna wuxuu u soo baxay Gedalyaah, oo isaga iyo walaalihiis iyo wiilashiisiiba waxay isku ahaayeen laba iyo toban.

10. Kii saddexaadna wuxuu u soo baxay Sakuur, iyo wiilashiisii iyo walaalihiisba oo ahaa laba iyo toban nin.

11. Kii afraadna wuxuu u soo baxay Yisrii, iyo wiilashiisii iyo walaalihiisba oo ahaa laba iyo toban.

12. Kii shanaadna wuxuu u soo baxay Netanyaah, iyo wiilashiisii iyo walaalihiisba oo ahaa laba iyo toban.

13. Kii lixaadna wuxuu u soo baxay Buqiyaah, iyo wiilashiisii iyo walaalihiisba oo ahaa laba iyo toban.

14. Kii toddobaadna wuxuu u soo baxay Yeshareelaah, iyo wiilashiisii iyo walaalihiisba oo ahaa laba iyo toban.

15. Kii siddeedaadna wuxuu u soo baxay Yeshacyaah, iyo wiilashiisii iyo walaalihiisba oo ahaa laba iyo toban.

16. Kii sagaalaadna wuxuu u soo baxay Matanyaah, iyo wiilashiisii iyo walaalihiisba oo ahaa laba iyo toban.

17. Kii tobnaadna wuxuu u soo baxay Shimcii, iyo wiilashiisii iyo walaalihiisba oo ahaa laba iyo toban.

18. Kii kow iyo tobnaadna wuxuu u soo baxay Casareel, iyo wiilashiisii iyo walaalihiisba oo ahaa laba iyo toban.

19. Kii laba iyo tobnaadna wuxuu u soo baxay Xashabyaah, iyo wiilashiisii iyo walaalihiisba oo ahaa laba iyo toban.

20. Kii saddex iyo tobnaadna wuxuu u soo baxay Shuubaa'eel, iyo wiilashiisii iyo walaalihiisba oo ahaa laba iyo toban.

21. Kii afar iyo tobnaadna wuxuu u soo baxay Matityaah, iyo wiilashiisii iyo walaalihiisba oo ahaa laba iyo toban.

22. Kii shan iyo tobnaadna wuxuu u soo baxay Yereemood, iyo wiilashiisii iyo walaalihiisba oo ahaa laba iyo toban.

23. Kii lix iyo tobnaadna wuxuu u soo baxay Xananyaah, iyo wiilashiisii iyo walaalihiisba oo ahaa laba iyo toban.

Taariikhdii Kowaad 25